X
    Categories: Warar

Dawladda Jarmalka oo Fadeexad ku Tilmaantay Weerar Dad Cunsuriyiin ah ku Qaadeen Goob Masaajid ah

Araweelo News Network

Thomas de Maiziere

Dresden (ANN)Dawladda Jarmalka, ayaa fadeexad ku tilmaamta weerar dad cunsuriyiin ahi ku qaadeen goob masaajid ah oo ay kulan ku lahaayeen Muslimiinta dalkaasi.
Masaajidka Fatih Camii ku yaal magaalo la yidhaa Dresden dalka Jarmalka, ayaa lala beegsaday weerar bam loo adeegsaday xilli dambe oo habeenkii Isniintii ee xilliga Jarmalka, iyadoo dabbaaldeg loo samaynayey 10 guurada shirka Islaamka dalkaasi ka dhacayey xarunta Shirarka oo qiyaastii 2KM oo keliya u jirta masaajidkaasi.
Weerarkan oo aanay jirin cid waxyeelo ka soo gaadhay, iyadoo sida Boolisku sheegay ay ka badbaadeen Imaamka Masaajidka, xaaskiisa iyo laba wiil oo ay dhaleen oo ku sugnaa Masjidka xilliga weerarku dhacayey, waxaanna boolisku goobta ka ururiyeen hadhaaga waxlaha la qarxiyey oo ay ku tilmaameen gudaha lagu sameeyey.
Ciidanka Boolisku waxay xuseen in aanay cidina sheegan qaraxan, balse ay u tirinayaan dambiyada nacaybka ah ee ay gaystaan kooxaha cunsuriyiinta midigta fog ah eek a soo horjeeda qaxoontiga iyo Islaamka, “Inkastoo aanay cidina sheegan masuuliyadda weerarkan, haddana waa in aannu u tirinno inuu jiro dhaqdhaqaaq cunsurinimo.” Sidaa waxa yidhi Taliyaha Booliska Jarmalka Horst Kretschmar.
Sidoo kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jarmalka Thomas de Maiziere, ayaa isna ku tilmaamay falkan fadeexad wayn, maadaama lagu soo beegay xilli ay dhacaysay 10 guurada shirka Islaamka Jarmalka.
Masaajidka Tatih Camii ayaa waxa ku tukada ilaa 300 Muslimiin ah maalinta Jimcaha, waana mid muhiimad wayn u leh Islaamka ku dhaqan dalka Jarmalka.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post