X
    Categories: Warar

Dawladda Imaaraadka Oo Shixnad Caawimo Dawooyin iyo Qalabka Coronavirus Soo Gaadhsiisay Somaliland

Diyaarad nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka oo shixnad dawooyin iyo qalab kahor-tagga Coronavirus soo gaadhsiisay Somaliland 8 April 2020, Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Araweelo News Network


Hargeysa(ANN)-Dawladda Imaaraadka Carabta, ayaa maanta mucaawinadii ugu horaysay ee gurmadka xannuunka Coronavirus soo gaadhsiisay Jamhuuriyadda Somaliland, subaxnimadii hore ee saaka ayaa waxaa Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa kasoo degtay Diyaarada nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka.


Diyaarada ka timi dhanka Imaaraadka cslamarkaanrabta, ayaa siday mucaawino caafimaad oo isagu jirta Dawooyin iyo qalab lagaga hor-taggo xanuunka Covid 19.

Diyaarad nooca Xamuulka qaada ah oo ka timi Waddanka Imaaraadka oo shixnad dawooyin iyo qalab kahor-tagga Coronavirus soo gaadhsiisay Somaliland 8 April 2020, Garoonka diyaaraha ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa. Araweelo News Network

Wasiirada Wasaaradaha Caafimaadka, Maaliyada, Diinta iyo Awqaafta oo halkaasi ka hadlay, ayaa sharaxaad ka bixiyay Agabka caafimaad ee ay soo dhiibtay Dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabta oo noqotay Dawladdii ugu horaysay ee Somaliland soo gaadhsiisa gurmad caafimaad, wakhti dalalka aduunku iska daa inay cid caawiyaane ay diideen yihiin in dalkooda ay ka baxaan agabka caafimaadku, sida ay sheegeen masuuliyiinta ka hadlay halkaa.

Wasiirada ayaa Dawladda Imaaraadka Carabta ugu mahad celiyay mucaawinada ay soo gaadhsiyeen, iyagoo sheegay inay garwaaqsanayaan xili dunidu kala xidhan tahay in Dawladda Imaaraadka ay Somaliland soo gaadhsiiso iyadoo Dawladdihii adduunyadu kala boobayayaan qalabka Caafimaadka.


Wasiirka wasaaradda Horrumarinta Caafimaadka Somaliland, Cumar Cali Cabdullaahi Bade, Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiirka Diinta Awqaafta Sheekh Khaliil, ayaa ka hadlay deeqdaa, waxayna uga mahad celiyeen dawladda Imaaraadka oo ay sheegeen inay noqotay dawladdii u horraysay ee soo gaadhsiisa deeq Caafimaad xilligan adag, marka laga reebo caawimooyin ay soo gaadhsiisay Qaramada Midoobay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post