X
    Categories: Warar

Dawladda Imaaraadka Oo Shaacisay Mashaariic Cusub Oo Laga Fulinayo Somaliland Kadib Kulan Madaxweyne Muuse La Yeeshay


Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Imaaraadka Carabta oo booqasho ku yimi Somaliland maanta, ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, waxayna kulankaa ka shaaciyeen Inay mashaariic horle ka fulinayaan Somaliland.

War-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland kulankaa kadib ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka isu-tagga imaaraadka carabta oo ka kooban 12 xubnood.

Kulankan dhex maray madaxweynaha Somaliland iyo weftiga, waxa lagaga wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin:-

1. Weftiga Imaaraadka carabtu waxay madaxweynaha u muujiyeen in dal ahaana ka xumadeen hadalkii wasiiru-dawlaha arrimaha dibedda imaaraadka ee sida qaldan loo turjumay, waxaanay sheegeen in ay qoraal rasmi ah kaga soo jawaabi doonaan arrintaasi.
2. In Imaaraadka carabtu ay Somaliland ka caawiyaan adkaynta amniga, kana taageeraan ciidamada dhinaca qalab iyo tababarka.
3. In Imaaraadka carabtu ay ogollaadeen iibsiga xoolaha nool ee Somaliland, iyadoo si toosa loogu dhoofin doono imaaraadka.
4. Madaxda dalka imaaraadka carabtu waxay muujiyeen sida ay dal ahaan uga go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Imaaraadka Carabta, iyagoo cadowga labada dal ku sifeeyey kuwo ka xun xidhiidhkooda isla markaana miciin biday warar qaldan oo qaybo ka mida warbaahinta la mariyo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu ku bogaadiyey weftiga imaantinkooda, isagoo uga mahadnaqay sida fiican ee wax ku oolka ah ee ay uga soo jawaabeen qaybihii ugu horreeyey ee ballan-qaadyada waqtigii madaxweynuhu safarka ku tegay dalka UAE, isaga oo si gaara ugu mahadnaqay fursadda ay siiyeen ogolaanshaha Baasaboorka Somaliland ee dal-ku-galka imaaraadka carabta, wuxuuna soo dhaweeyey fulinta qodobaddan muhiimka u ah qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, Waxa uu weftiga u ballan-qaaday in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah, isla markaana uu xidhiidhkaasi noqdo mid midho dhal ah.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post