X

Dawladda Imaaraadka Oo Ka Hadashay Siyaasada Soomaaliya Iyo Mudaharaadkii Hubaysnaa Ee Sababay Dhimashada

Araweelo News Network.

 

Abu Dhabi(ANN)- Xukuumadda Dalka Imaaraadka Carabta ee #UAE, ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee ay waajahday dawladda Federaalka ee Soomaaliya, kaddib rabshadihii ka dhashay mudaharaadkii hubaysnaa ee shalay ka dhacay Muqdisho.

Mudaharaadka oo ay soo abaabuleen hoggaamiyayaasha mucaaradka dawladda Federaalka, ayaa sababay ilaa inta la ogyahay shan qof oo dhimasho, kuwaas oo sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka ee Muqdisho ahaa Askari, balse aan la xaqiijin in ay ka mid ahaayeen ciidamada dawladda iyo in ay ahaayeen malayshiyaadka ilaalinayay hoggaamiyayaasha mucaaradka ee mudaharaadka soo abaabulay.

mudaharaaadka Muqdisho Image File, Araweelo News Network 19 Feb 2021

Dawladda Imaaraadka oo ka mid ah dalalka sida weyn saamaynta ugu leh siyaasada Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay aad uga xuntahay wixii dhacay, waxayna sheegtay in xukuumadda Isutaga Imaaraatka Carabta ay walaac xooggan ka muujiyay xaaladda kasii daraysa ee caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awoodda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah.” ayaa lagu yidhi, Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Imaaraadka.

 

Bayaan ay soo saartay, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga dalka Isutaga Imaaraadku, waxay ugu baaqday dowladda ku meel gaadhka ah iyo dhammaan dhinacyada inay muujiyaan heerarka ugu sarreeya ee xakamaynta si loo gaadho himilooyinka Soomaaliya ee ah in la dhiso dhammaan mustaqbal xasilloon.

“Imaaraadku wuxuu cadeeyay inuu taageerayo dhamaan dadaalada caalamiga ah iyo dadaallada lagu doonayo in lagu qabto doorasho hufan oo xalaal ah taariikhda la cayimay waxayna ku boorisay dhinacyada Soomaalida inay gacmaha is qabsadaan si looga hortago halista argagixisada iyo xagjirnimada. ayaa lagu yidhi, bayaankaa oo ay baaisay wakaaladda wararka ee dalka Imaaraadka Carabta Emirates News Agency .

Bayaanka, ayaa lagu sheegay in Imaaraadku uu muujiyey rajadiisa in xasillooni ay ka hirgasho Soomaaliya si loo ilaaliyo madax-bannaanideeda qaran,  isla markaana loo fuliyo himilooyinka shacabka walaalaha ah. ayaa lagu yidhi, Bayaanka.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post