X
    Categories: Warar

Dawladda Imaaraadka Oo Joojisay Caawimooyinkii Ay Siinaysay Soomaaliya Iyo Cusbitaalka Sheekh Zayed Oo Albaabada Loo Laabay

Araweelo News Network

 

sheekh Zayed Hospital

Muqdisho(ANN)-Dowlada Imaaraatka ayaa go’aansatay in ay gebi ahaanba  jiijiso tababaradii iyo taageeradii millateri ee ay siineysay ciidanka Millatariga Soomaaliya, kadib markii xidhiidhka labada dal u dhaxeeya uu xumaaday.

Sida ay baahisay Wakaalada wararka ee Imaaraadka Carabta  ee loo soo gaabiyo WAM, waxay  dowladda Imaaraatka ay joojisay tababaradii iyo taageeradii ay siinayeen ciidanka kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa maamulka Puntland .

 

Dowlada Imaaraatka Carabta ayaa go’aankan qaadatay kadib markii ay ka cadhootay lacagtii Imaaraadku  lahaa ee dawladda Soomaaliya kala wareegtay markii laga dejiyay  garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

 

Wakaalada Wararka ee WAM ayaa sheegtay in dowlada Imaaraadka aad uga xumaatay sida ay u dhaqantay dowlada Soomaaliya, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dowlada Imaaraadka tababar siisay in ka badan 2,400 oo Askari.

 

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa Muqdisho iyo Puntland ku lahayd xeryo ay ku tababarto ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Imaaraadka dhaqaale iyo agaba siiyeen ciidamada ay Soomaaliya u tababareen.

 

Imaaraadka ayaa Soomaaliya kala baxday qeyb kamid ah Saraakiishii tababarayay Ciidanka Kumaandooska Soomaalia, waxayna arrintan cirka kusii shareertay xidhiidhka aan wanaagsanayn ee labada dal u dhaxeeya.

 

Wasaarada Gaashanadhiga Soomaaliya ayaa dhawaan shaacisay in uu dhamaaday heshiiskii ay Imaaraadka ku tababarayeen ciidanka Soomaaliya, waxa ayna Wasaaradu sheegtay in ciidankaasi ay si buuxda ula wareegayaan.

 

Dhinaca kale Sida lagu daabacay Wareyska Alceyn ee kasoo baxa dalka  Imaaraadka, ayaa lagu shaaciyay in gabi ahaanba Albaabada loo  xidhay Cusbitaalka  weyn oo uu Imaaraadka Carabta ka furay magaalada Muqdisho ee lagu magacaabo Sheekh Zayed Hospital, kaasoo ay iskaga baxeen dhakhaatiirta maamulayay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post