X
    Categories: Warar

Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Sheegtay In Shirkadaha Laydhku Khatar Ku Hayaan Bulshada Caasimadda

Araweelo News Network

Xadhkaha Laydhka

Hargeysa (ANN)- Dawladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa sheegtay in shirkadaha laydhku khatar iyo dhibaato weyn ku hayaan bulshada, isla markaana fool-xumo ku yihiin bilicda magaalada Hargeysa.

Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale oo warraysi siiyey telefiishanka Qaranka Somaliland (SLN TV) , waxa uu tilmaamay in laydhka ama xadhkaha korontada la geliyo goobo aan ku haboonayn, isagoo xusay in taasina ay dhaliso dab sababa khasaare kala duwan.

“Shirkadaha Laydhku aad ayey dhib ugu hayaan bulshada, waxan ay ka ganacsanayaana waa dab oo dabku wuxuu leeyahay khatar, maalin walbana waad maqashaan dhibaatada dhacda ama guri gubtay, weliba iska daa bilicda ay xadhkaha laydhku wax u dhimayaan, laakiin waxa muddooyinkan dambe aad u badatay khatarta ay ku hayaan dadweynaha, dhibaatooyin badan oo naf iyo maalba leh ayaa ku baxa,” ayuu yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa.

Waxaannu intaas ku daray; “Laydhka waxa la geliyaa goobo ama meelo badan oo aannu ku haboonayn, xadhigga laydhka loo isticmaalaana maaha xadhiggii tayada lahaa ee heerkiisa ahaa (standard), markaa runtii waanu u digaynaa Shirkadaha Laydhka oo horena waanu ula hadalnay. Insha Allaah, waxa aannu jecelnahay inay waxan dadka ka beddelaan oo meelaha aanay ku haboonayn maaha inay geliyaan laydhka, ilayn lacag la’aan ma haysee.”

Xoghayaha Dawladda Hoose, ayaa sidoo kale iftiimiyey inay doonayaan sidii loo soo saari lahaa shuruuc lagu maamulo shirkadaha laydhka, laguna xakameeyo khasaaraha ka dhasha adeegyada ay u fidiyaan bulshada, waxaannu yidhi; “Waxa aannu jecelnahay in halkaas laga soo saaro shuruuc, dibna loogu noqdo sharcigaas lagu maamuli lahaa shirkadaha laydhka, annaguna dawlad hoose ahaan, haddii ay bilicda tahay iyo haddii ay tahay ammaanka dabka (security) waxa aannu jecelnahay in aannu aad ugu degaalno, si adagna u kaantaroolno, and arrintaasina waa hawlaha aannu is leenahay aad wax ka qabataan sannadkan 2018, haddii Ilaahay yidhaah, annaga oo kaashanayna hay’adaha ay khusayso iyo xukuumadda dhexeba si ay dadku u helaan adeegii laydhka, ammaana u helaan.”

Waxa kaloo uu Xoghayuhu farriin baaq ah u diray dadweynaha adeegsada laydhka iyo shirkadaha ka ganacsada adeega korontada ee caasimadda Hargeysa; “Bulshada waxa aan leeyahay gurigaagu laydhka uu u baahan yahay haddii uu sandaqad yahay ka dayso oo khasaare ha isgaadhsiin, lafahaagana ha ku duulin, laydhkana meel aan ku haboonayn ha gelin, shirkadahana waxa aannu ka codsanaynaa xadhigga aad isticmaalaysaan iyo birta aad isticmaalaysaan iyo goobta aad gelinaysaanba waa inay noqdaan mid ka haboon laydhka iyo shaqadan aad wadaan, waayo adeegani khatar ayuu wataa oo waxqabadkiisa waxa ku lammaan khaatartiisa,” ayuu yidhi Xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa Md. Cali Xasan Cawaale.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post