X
    Categories: Warar

Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Khariirada Lagula Wareegay Dhulkeeda Difaacday

Axmed Ciise Cawad

Muqdisho(ANN)- Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa wax aan macno weyn lahayn khalad yar ah ku tilmaantay Khariiirada ay dhowaan Ethiopia ku baahisay shebekadda Wasaarada arrimaha Dibbada oo si weyn u abuurtay xiisad, taas oo dhulka Soomaaliya gebi ahaanba lagu daray dhulka Ethiopia.

Wasiirka Arrimaha Dibadda dawladda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u sheegay in ay ka jawaabayaan arrintan isagoo aan wax weyn u arkin, “Waxan wuxuu ahaa wax aan micno lahayn oo khalad dhacay ah, Soomaaliya kaliyana ma khuseynin, khariidad qof ku faygaray oo aan sax ahayn bay ahayd” ayuu yidhi, Cawad.

Dowladda Ethiopia, ayaa qayb ka ah dalalka Soomaaliya ay ka joogaan ciidamadu, iyadoo si gaar ah ugu dhex jirta siyaasada Soomaaliya ee fawdada collaadaha iyo qaraxyada Al-shabaab hadheeyeen, waxyna arrintan kusoo beegantay, iyadoo sannadkii hore isbedelkii siyaasadeed eek a dhacay Ethiopia oo saamyn ku yeeshay mandaqada geeska Afrika, isla markaana meesha ka saaray collaadii mudada dheer u dhaxaysay Ethiopia iyo Ereteria ay meesha ka saartay.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia Abiy ayaa sanandkii hore sheegay in la midaynayo Ethiopia iyo Soomaaliya oo dal keliya ay noqonayaan, waxayna  dawladda  Federaalka, isla sanadkaa 2018 ku dhawaaqday in ay Afar dekadood oo kuyaal xeebaha Soomaaliya heshiis kula gashay dawladda Ethiopia.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post