X

Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Saddex Haween Ah Oo Qaarkood Xaamilo Ahaayeen Oo La Dilay

Maydadka laba ka mid ah Haweenka Muqdisho lagu dilay 14 Feb 2021. Image Araweelo News Network

Araweelo News Network.

Dawladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Saddex Haween Ah Oo Qaarkood Xaamilo Ahaayeen Oo La Dilay

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa ka hadashay saddex Haween ah oo laba ka mid ah ay lahaayeen Uur, kuwaas oo lagu dilay degmadda Dayniile ee Magaalada Muqdisho.

Saraakiisha Booliska Soomaaliya, ayaa ka hadlay dhacdadaa, waxaana la sheegay in saddexda haweenka ah oo laba ka mid ah ay hayeen walaalo la dilay xilli ay doonayeen subaxnimadii hore ee saaka in ay u shaqo tagaan dhimaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya oo ay la socdeen gaadiidka yar yar ee loo yaqaan Bajaajta.

Boolisku, waxay sheegeen in Haweenka ay dileen koox argagixiso ay ku sheegeen, wallaw aannay soo bandhigin caddaymo muujinaya kuwa ay yihiin kooxda argagixisada ee dilka foosha xun u geystay dumarkaa.

“Dumarka waxa toogtay dad argagixiso loo malaynayo, mana aha wax ku cusub bulshada Muqdisho in Haween hooyooyin ah oo Ubadkooda nolol u raadinaya la dilo oo ay kooxaha Argagixisadu dil arxandaran kula kacaan, waana la baadhayaa” ayaa lagu yidhi, qoraal ay Taliska Booliska Soomaaliya kasoo saareen dhacdadaa oo murugo iyo argagax ku riday shacbiga Magaalada Muqdisho.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post