X
    Categories: Warar

Dawladda Federaalka Ethiopia Oo Go’aamo Kasoo Saartay Colaada U Dhaxaysa Maamulada Qowmiyadaha Soomaalida Iyo Oromada

Araweelo News Network

 

Hailemariam Desalegn

 

Jigjiga(ANN)-Ra’iisal  wasaaraha Xukuumadda Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa  kulamo la qaatay Madaxweynayaasha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shaad Iyo Kililka Afraad ee Qowmiyada  Oromada iyo sidoo kale Odayaasha iyo Ganacsatada kasoo kala jeeda labada dawlad deegaan ee ay colaadu dhexmaray dhowaan.

 

Sida ay shaacisay warbaahinta Ethiopia, Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa  labada mas’uul iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlay colaada dhiiga ku daatay ee u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida Ethiopia iyo Oromada, wuxuuna  sheegay in  dawladda Federaalka ay go’an tahay in  ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa.

 

Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale, madaxda diinta iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay garab istaagaan labada maamul si dowladu usoo afjarto khilaafka u dhexeeya  labada maamul, isagoo si cad u sheegay in dowladu khilaafka taagan go’aano cad oo hordhac ah ka qaadatay kuwaas oo ay kamid yihiin qodobadan:-

1-In ciidamadda labada dhinac laga saaro difaacyada ay kaga sugan yihiin goobaha ay ka taagan tahay colaadu.

2-In goobahaasi la geeyo Booliska Federaalka si ay u qaboojiyaan colaada.

3-In ciidamada looga danbeeyo amniga wadooyinka isku xidha  labada Kilil.

4-In dowladu hub kadhigis ka bilaabi doonto deegaanada colaaduhu kajiraan.

5-In dowladu ay maamulan doonto kuwa ka danbeeyay dhiiga daatay si sharciga loo horgeeyo.

Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn, waxa uu Madaxweynayaasha kililada ku amray inay u hogaansamaan 5ta qodob ee ay soo saartay dawladda Federaalka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post