Araweelo News Network
Jigjiga(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Ethiopia Hailemariam Desalegn, ayaa kulamo la qaatay Madaxweynayaasha Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililka shaad Iyo Kililka Afraad ee Qowmiyada Oromada iyo sidoo kale Odayaasha iyo Ganacsatada kasoo kala jeeda labada dawlad deegaan ee ay colaadu dhexmaray dhowaan.
Sida ay shaacisay warbaahinta Ethiopia, Ra’iisal Wasaare Hailemariam Desalegn, ayaa labada mas’uul iyo qeybaha kala duwan ee bulshada kala hadlay colaada dhiiga ku daatay ee u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida Ethiopia iyo Oromada, wuxuuna sheegay in dawladda Federaalka ay go’an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii loo xalin lahaa.
Hailemariam Desalegn waxa uu sidoo kale, madaxda diinta iyo odayaasha dhaqanka ugu baaqay inay garab istaagaan labada maamul si dowladu usoo afjarto khilaafka u dhexeeya labada maamul, isagoo si cad u sheegay in dowladu khilaafka taagan go’aano cad oo hordhac ah ka qaadatay kuwaas oo ay kamid yihiin qodobadan:-
1-In ciidamadda labada dhinac laga saaro difaacyada ay kaga sugan yihiin goobaha ay ka taagan tahay colaadu.
2-In goobahaasi la geeyo Booliska Federaalka si ay u qaboojiyaan colaada.
3-In ciidamada looga danbeeyo amniga wadooyinka isku xidha labada Kilil.
4-In dowladu hub kadhigis ka bilaabi doonto deegaanada colaaduhu kajiraan.
5-In dowladu ay maamulan doonto kuwa ka danbeeyay dhiiga daatay si sharciga loo horgeeyo.
Ra’iisal wasaare Hailemariam Desalegn, waxa uu Madaxweynayaasha kililada ku amray inay u hogaansamaan 5ta qodob ee ay soo saartay dawladda Federaalka.