X

Dawladda Federaalka Ee Soomaaliya Oo Ku Yaboohday 190 Milyan Oo Doolar Iyo Deeq Talyaanigu Ku Wareejiyay

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)- Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa ku yaboohday deeq dib loogu dhisayo Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed faraceeda Gahayr, taas oo lagu qiimeeyay nashqadaynteeda 190 Malyan oo Doolar.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo goob-joog ka ahaa munaasibada lagu soo bandhigayay naqshadda cusub ee Jaamacadda Ummadda faraceeda Gahayr, isla markaana yabooh maaliyadeed loogu raadinayay dhismaha xarunta ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed iyo saxiibada caalamka in laga qeyb qaato dib u dhiska Jaamacadda.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, Xaruntii Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo bur-bur xooggan ka soo gaadhay dagaalladii dalka ka dhacay ayaa lagu qiimeeyey dhaqaalaha ku baxaya 190 Malyan oo Doolar, waana taas sababta keentay in la qabto barmaanijkaan dhaqaalaha loogu raadinayo.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa tilmaamay in uu kamid ahaa ardaydii ka soo baxday xarunta Gahayr, isla markaana uu garanayo qiimaha iyo ahmiyadda ay ugu fadhido bulshada Soomaaliyeed in dib loo howlgeliyo muddo soddon sano ah kaddib, xukuumaddiisuna ay kaalin mug leh ka geysan doonto.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibedda Talyaaniga Marwo Emanuela Del Re ayaa kala saxiixday heshiis ku qotoma xoojinta iskaashiga labada dal.

Dowladda Talyaanigu waxay ku wareejisay Soomaaliya deeq loogu talagalay wax ka qabashada duufaantii dhowaan ku dhufatay Puntland ee Gati, sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Villa Somalia, balse qoraalka laguma xusin inta ay tahay deeqda dawladda Talyaanigu wareejisay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post