REER GALBEEDKA OO INDHAHA KU HAYA #SOMALILAND.
#Araweelo_News_Network
Dr. Ahmed Hassan Salah politics and international relations.
Nairibi (ANN)- Soomaaliya waddankii la odhan jiray gebi ahaanba wuu fashilmay. Natiijadii nidaamka Federaalismka si fiican ayeeynu u aragnaa, waxaana inoogu filan khilaafka ka dhex taagan Nidaamka Muqdisho iyo Nidaamka Kismaayo.
sida uu Qoray wargeeyska uugu Afka dheer Israa’iil ee lagu Magacaabo HAARTEZ indhaha waddamda reer galbeedka waxaa aad u soo jiitay Somaliland, oo ah nidaam goonni goosad ah oo 32-dii sano ee u dambeeyey goonni uuga taagnaa soomaaliya inteeda kale. Somaliland ayaa ah maxmiyaddii ingriisku ilaalin jiray ee Geeska Afrika (The Biritish protectorate of Somaliland 1889-1960 ).
MAXAA INDHAHA REER GALBEEDKA KU SOO JEEDIYEY #SOMALILAND ?
10 sano ka hor waddanka Yemen waxaa ka abuurmay kooxda hubaysan ee xuutiyiinta. sanandkii 2015, waxay waddamada khaliijka carabta oo uu hoggaaminayo sucuudigu ay weerar militari ku qaadeen xuutiyiinta Yemen. dagaalkaasi laguma guulaysan, waxayna xuutiyiintu ka sii qaadeen awood dheeraad ah maadaama ay iran taageerto. reer galbeedka oo dabada ka riixayey duullaanka sucuudiga , imaaraatka carabta iyo waddamada khaliijku ay ku qaadeen Xuutiyiinta Yemen wu uxuu noqday mid lagu fashilmay.
wixii ka dambeeyey 7dii oktoober 2023, dagaalkii xasuuqa ahaa ee ah yahuuddu ku qaadday Marinka Gaza , xuutiyiinta ayaa la soo baxay saamayn aan marnaba la filayn, waxayna marinka gacanka cadmeed ka xidheen dhammaan maraakiibta iyo shixnadaha ay leeyihiin waddamada reer galbeedka iyo kuwa taageerada siyaasadeed, militari iyo dhaaqaale u muujiyey israa’iil. waxayna si toos ah u sheegeen inay garab taagan yihiin shacabka reer Gaza. dhaqaalihii waddamada reer galbeedka iyo dowladda yahuudda ayaa dhulka galay.
intaa kuma is taagin, xuutinyiinta ayaa dunida ka yaabsaday markii duqeeyeen caasimadda Israel, iyagoo ku garaacay gantaallada aad u qarxa ee balaastiiga ah. waxay duqeeyeen goobo Millateri, safaarado, iyo xarumo aad muhiim u ah , waxayna gudaha israa’iil ka geesyteen khasaare nafeed, iyo mid hantiyeed.
si ay israa’iil u wiiqdo awoodda xuutiyiinta waa inay heshaa saldhigyo millateri oo ay ka weerarto, waddmada khaliijka carabt a iyo jabuuti weey diideen in dhulkooda laga weeraro xuutiyiinta , maadama ay xuutiyiintu ku hanjabeen inay ka aarsan doonaan waddan kasta oo laga soo weeraro.
israa’iil iyo reer galbeedka ayaa Xeebaha woqooyiga Somalia u arka inay yihiin goobo muhiim ah si ay wiiqaan awoodda xuutiyiinta, arrintaa waxaa israa’iil iyo reer galbeedka ka dhaahdciyey imaaratka carabta. sidaa awgeed reer galbeedka ayaa u ololaynaya sidii somaliland aqoonsi u heli lahayd. Iyadoo sidoo kale ay arrimahan sii xoojiyeen Doorashooyinka 13 Nov 2024, ka dhacay Somaliland oo Indhaha caalamka kusoo jeediyay.
Nidaamka Muqdisho ma difaaci doonaa midnimada Somalia, mise wuxuu qaadan doonaa amarka reer galbeedka oo Somaliland ayuu si sharciga waafaqsan u aqoonsan doonaa ? arrintaasi waxaynu arki doonaa marka ay arrimahan oo Fagaarayaasha siyaasadda si weyn soo shaac baxay muddooyinkii u danbeeyay si dhab ah u yimadaan Albaabka.
Author: Dr. Ahmed Hassan Salah, Compiled and Edited by: Arraale M Jama.
Published by Araweelo News Network. Salah is a writer and diplomat who comments on politics and international relations and advocates for Somaliland’s identity. He has published articles and videos on the way Somaliland can legally get its identity, which have been published past on the Araweelo News Network.