X
    Categories: Warar

Dawladda Faransiiska oo Ballanqaadday inay ka Shaqayn Doonto Horumarinta Goobaha Dalxiiska ee Laas-geel

Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)Wefti ka socda Safaaradda Faransiiska ee dalka Kenya, ayaa safar ku yimi waddanka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo u socda sidii wax looga qaban lahaa goobaha dalxiiska iyo aataarka qadiimiga ah ee degmada Laas-geel.
Weftigan oo safarkoodu la xidhiidho fulinta ballanqaad uu sameeyey Safiirka Faransiiska u jooga Kenya oo booqasho uu ku yimmi Somaliland bishii February ee sannadkan, ayaa caddeeyey inay ka shaqayn doonaan sidii loo horumarin lahaa goobaha dalxiiska ee degaanka Laas-geel.
Kooxda ka socotay Faransiiska oo uu hoggaaminayo Dr. Christian oo la-taliye u ah safaaradda Faransiiska ee Kenya, wehelinayeenna masuuliyiin ka socday Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa booqasho ku tegay goobaha dalxiiska degmada Laas-geel shalay si loo darso baaxadda waxqabad ee laga fulin karo goobahaas qaniga ku ah aataarta qadiimiga ah.
Agaasimaha Waaxda Dalxiiska ee Wasaaradda Ciyaaraha Mr. Ibraahim Maxamed Diiriye (Shide), ayaa sharraxaad ka bixiyey aataarta qaddiimiga ah ee Somaliland, isagoo weftiga Faransiiska ah tusay goobaha u baahan in wax laga qabto si aanay waxyeelo ugu iman ataataarta qadiimka ah.
Waxa kaloo uu weftiga Faransiiska uga mahadceliyey booqashadooda khuseeya u kuur-gelidda waxqabasho, waxaannu xusay in Faransiisku daneeyo dhinaca dalxiiska, sidaa darteedna ku faraxsan yihiin jawaabta degdegga ah ee ay ka bixiyeen ballanqaad uu sameeyey safiirkooda Kenya Ambassador Rémi Maréchaux safarkiisii u dambeeyey ee uu ku yimi Somaliland, kaasoo ahaa inay daryeeli doonaan goobaha qadiimiga ah ee Laas-geel.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Agaasimaha Waaxda Qorsheynta Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Mr. Cabdirashiid Caydiid Yaasiin oo sheegay in goobaha dalxiiska ee Laas-geel ay waqtigan u baahan yihiin in la daryeelo, kana rajaynayaan dawladda Faransiiska inay arrintaas wax ka qabato, maadaama ay ka soo jawaabeen ballanqaadkoodii hore.
Khabiirka hoggaaminayey weftiga Faransiiska, isla markaana la-taliye u ah safiirro badan oo ka hawlgala Kenya, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay sida loo soo dhaweeyay, isagoo xusay inay diyaar u yihiin sidii ay wax badan uga qaban lahaayeen goobaha dalxiiska ee degaanka Laas-geel, ujeedadda safarkoodu tahay mid arrintaas la xidhiidha.
Weftiga ka socday dalka Faransiiska iyo masuuliyiinta Wasaaradda Ciyaaraha, ayaa sidoo kale kormeer ku maray goobaha kala duwan ee dalxiiska degmada Laas-geel, iyagoo aad uga helay, kana qaatay sawirro iyo warbixino kala duwan, kuwaasoo sidoo kale xarunta Wasaaradda ee Hargeysa kulan kula yeeshay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ciyaaraha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post