X
    Categories: Warar

Dawladda Ethiopia Oo Ku Dhawaaqday in Ay Wadahadal Nabadeed U Furayso Xukuumadda Ereteria

Araweelo News Nework

Fitsum Arega

Addis Ababa(ANN)-Dawladda Dalka Ethiopia, ayaa shaacisay markii u horraysay in ay diyaar u tahay wadahadal ay lagasho Ereteria oo dagaal waqti dheer qaatay uu ku dhaxmaray sagaashanaadkii deegaanka Baadhama ee bariga Ethiopia oo ay dhacdo xuduuda ay wadaagaan labada dal.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in ay baaq nabadeed u dirayaan dowladda Eereteria si loosoo geba gabeeyo colaadda daba dheeratay ee labada dal u dhaxaysa.

Fitsum Arega oo ah madaxa xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia,  ayaa warbaahinta u sheegay in xukuumadda Cusub ee Addis Ababa ay wax ka bedelayso siyaasaddii ay kula dhaqmi jirtay dariskeeda, isla markaana ay ugacan haadinayaan Asmara.

“Ethiopia iyo Eritrea waxay leeyihiin xidhiidh soo jireen taariikhi ah waxaana ugu muhiimsan dhinaca dhaqanka iyo dhiigga. Dhibaatada labada dhinac kasoo gaadhay colaadda waa wax aan laqiyaasi karin geeddi socodka nabaddu waa la bakhtiiyay taas waa in ay isbedeshaa, oo hadda Ethiopia waxay ku baaqeysaa wadahadal dhab ah” sidaas waxaa yidhi Fitsum Arega oo u hadlay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Ethiopia.

Fitsum Arega
@fitsumaregaa
·
“Analysts describe Ethio-Eritrea stalemate as a situation where we are not having war, nor are we achieving peace. I see it differently. It is still a war albeit with no death toll. The psychological cost of the endless waiting is immense. It needs to come to an end.” HE PM Abiy.

Labada dowladood ayay dagaallo ka dhax qarxeen sanadihii 1998 iyo 2000, waxaana  dagaalka ku dhintay Kumanaan kun oo askari, iyadoo kumanaan Qoys ku barakaceen.

Dhinaca kale Baarlamanka Dalka Ethiopia, ayaa qaaday xukunkii xaaladda degdegga ahaa ee wadanka lagusoo rogay sedax bilood ka hor, kulan ka dhacay magaalada Addis Ababa ayuu baarlamaanku sidaas ku go’aamiyay.

Kooxaha mucaaradka dibad joogga ah ayaa tallaabadan ku tilmaamay isku day kale oo Taliska Addis Ababa ku doonay in uu ku damiyo kacdoonka shacbiga ah ee sanadkii sedaxaad ka socda dalka, waxayn arrimahani kusoo beegmeen, iyadoo ay weli jirto xiisada colaadeed ee u dhaxaysay Qowmiyadaha Oromada Iyo Soomaalida Ethiopia ee Kililka Shannaad.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post