X
    Categories: Warar

Dawladda Ethiopia Oo Deeq Waxbarasho Siisay 180 Arday Oo U Dhashay Somaliland

Araweelo News Network

Addis Ababa(ANN)- Xukuumada Itoobiya ayaa la sheegay inay deeq waxbarasho gaadhaysa 180 boos siinayso ardayda reer Somaliland sannadka 2017/2018, sida uu xaqiijiyey Safiir-xigeenka Safaarada Somaliland ee Itoobiya, Ayaanle Salaad Diiriye.

Safiir Ayaanle Salaad oo u waramay weriye Maxamuud Walaaleye ayaa sheegay in Deeqdan waxbarashada 180 boos, ka kooban tahay 130 waxbarashada koowaad ee Jaamacada iyo 50 waxbarashada heerka labaad ee jaamacada (Masters).

Safiir Ayaanle oo ka hadlayey muhiimada deeqdan waxbarasho ee dawlada Itoobiya siisay ardayda Somaliland ayaa sheegay,

“Waxaan hubaa in ardayda wax ku barta dalka Itoobiya noqon doonaan safiiro sii horumariya xidhiidhka soo-jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan. Waxaan uga mahadcelinaynaa fursada ay u hureen ardayda reer Somaliland, walaalahooda rag iyo dumar ee Itoobiya.” Ayuu yidhi, isagoo raaciyey,

“Deeqdan waxbarasho waxay sii xoojinaysaa xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah. Waana talaabada hogaamiyeyaasha indheer-garadku sameeyaan.

Safiirka oo ka hadlayey heerka iskaashi ee labada wadan marayo ayaa yidhi, “Xukuumada iyo shacabka Itoobiya meel weyn ayey kaga yaaliin bulshada reer Somaliland, xaqiiqdiina waa saaxiibkooda xilliga adag, balse waxa loo baahan yahay inaan ka sii shaqeyno sidii u gaadhi lahaa dhamaan Geeska Afrika.

“Waxaan u baahan nahay inaan dhisno kalsoonida, una hubino si labada wadan isugu sii lamaanaadaan inaan abuurno fursado labada wadan iyo labada shacab wadajir uga faa’iidaystaan. Muhiimadayada koowaad waa xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya dhinac walba”

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post