X
    Categories: Warar

Dawladda Djibouti Oo Ka Dalbatay Midawga Afrika In Ciidan la Geeyo Xadka Ay Wadaagaan Eratariya

Araweelo News Network

Mohammed Ali Yusuf Wasiirka Arrimaha Dibadda Djibouti

Addis Ababa (ANN)- Dawladda Jabuuti, ayaa ka dalbatay Midowga Afrika inay ciidammo nabad-ilaaliyaal ah ka socda ururka la geeyo xadka ay la wadaagto dalka Eratariya ee lagu muransanyahay.
Ciidammo nabad-ilaaliyaal uu leeyahay dalka Qadar ayaa laba toddobaad ka hor si lama filaan ah uga baxay xadka lagu muransan yahay ee u dhexeeya Djabuuti iyo Eratariya, kadib ay halkaasi ku sugnaayeen ilaa sannadkii 2008-dii markii uu dagaal ka dhex qarxay labada waddan. Inkastoo aanay Qadar sababayn ka bixitaankeeda xaduudka ay nabad-ilaalinta u joogtay, haddana waxa lala xidhiidhiyey khilaafka soo kala dhexgalay dalalka kale ee Khaliijka uu Sucuudigu hoggaaminayo oo Jabuuti iyo Eratariyaba taageerayaal u yihiin.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mr. Maxamuud Cali Yuusuf oo shirka hoggaamiyayaasha Midowga Afrika kaga qaybgalaya magaalada Addis Ababa ee Itoobiya, ayaa codsaday in ururku ciidammo si degdeg ah u geeyo xadka ay ku muransan yihiin Eratariya.
“Waxaannu u gudbinay Midowga Afrika inay la wareegaan dhulkaa lagu muransan yahay oo ay buuxiyaan halka bannaanaatay (ka bixista Qadar), waxaannu u baahannahay in Ururka Midowga Afrika si degdeg ah tallaabo u qaadaan,” ayuu yidhi Wasiirka Khaarajiga Jabuuti Maxamuud Cali oo u warramay wakaaladda wararka ee Reuters.
Waxa kaloo uu ku eedeeyey Eratariya inay hurinayso colaad oo ay ciidammo soo dhoobtay dhulka lagu muransanyahay ee la yidhaa Dumeera, waxaannu yidhi, “Bilowgii waxa jiray ciidammo tiro yar oo Eratariya ka joogay dhulka lagu muransanyahay, laakiin markii dambe dib ay ugu soo celisay.”
Dhankiisa Ururka Midowga Afrika, ayaa ballanqaaday inay guddi xaqiiqo-raadin ah u dirayso xuduudka lagu muransan yahay si ay u soo qiimeeyaan.
Warku waxa uu intaa raaciyey in dagaalkii dhexmaray labadan dal sannadkii 2008-dii uu khasaare xoog lehi soo gaadhay Jabuuti oo ay kaga dhinteen daraasiin ciidammo ahi, in kale oo badanina kaga dhaawacmeen.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post