X
    Categories: Warar

Dawladda Djibouti Oo Ka Cadhootay Taageerada Madaxweyne Farmaajo Ee Dalka Eretria

Araweelo News Network

Safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan

Djibouti(ANN)-Dowladda Djibouti ayaa cadhootay hadal uu Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ka jeediyay magaalada Asmara kaddib booqasho saddex cisho qaadatay oo uu halkaa ku tagay todobaadkii hore.

Safiirka Djibouti ee Soomaaliya Aadan Xassan Aadan  ayaa sheegay in dowladda Eritrea xoog ku heysato qeyb ka mid ah dhulka Djibouti  gaar ahaan Jasiiradaha Doumeira iyo 10 Maxbuus oo u dhashay dalka Djibouti.

‘’Shaki kama jiro in Soomaaliya in ay xaq u leedahay hagaajinta xidhdhkeeda ay la leedahay dalalka deriska ah, laakiin waxaa waxaan la aqbali karin ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku taageero Eritrea xoog ku heysashada dhulka qeyb ka mid ah Djibouti iyo maxaabiis’’ ayuu yidhi. Ambassador Aadan.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in war laga naxo uu ahaa hadalkii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in cunaqabateynta saaran Dalka Eriterea in laga qaado.

Xukuumadda Djibouti ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele  ayaa qeyb ka ah dalalka ku tabarucay ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa, waxaana dhowr Kun oo ciidamo ah ka joogaan gobolka Hiiraan ee badhtamaha Soomaaliya.

‘’Wiilasheen-na waxa ay naftooda u hurayaan nabada Soomaaliya, xili walaalahood ay maxaabiis ku yihiin Asmara, sidaa daradeed kuma faraxsanaan doonaan in ay maqlaan hadalka qaldan ee Madaxweynaha Soomaaliya, ayuu yidhi Ambassador Aadan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Safiirka Djibouti in mar walba ay soo dhaweynayaan dhaqdhaqaaqa nabadeed iyo ka diblomaasiyadeed ee Geeska Africa, hasse ahaatee aan wali la xalin khilaafka labada dowladood ee Djibouti iyo Eretria.

Xukuumadda dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaan weli jawaab ka bixin hadalka ka soo yeedhay Dawladda Djibouti ee ay sida kulul ugu canbaaraysay khudbadii Madaxweyne Farmaajo ka jeediyay Asmara, waxayna arrintan u muuqataa mid abuurtay khilaaf diblamaasiadeed oo labada dhinac soo kala dhexgalay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post