X
    Categories: Warar

Dawladda Denmark oo ka Hadashay Doorashadii Musharaxiinta KULMIYE

“Xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu imminka kadib waxay diiradda saarayaan ama isha ku hayn doonaan u diyaargarowga doorashada, taasoo aannu ku rajo weyn nahay inay…”

Hargeysa (ANN) Dawladda Denmark (Dheenmaarik) oo ka mid ah dalalka ku yaal woqooyiga qaaradda Yurub, ayaa ka hadashay aragtidooda la xidhiidha shirkii Golaha Dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo lagu doortay murrashaxiinta uga qaybgali doona tartanka doorashada madaxtinimada ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto horraanta sannadka 2017.
Madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah u Qaabilsan Denmark ee DANIDA (Danish International Development Agency) Mr. Micheal Thyge Poulsen oo waraysi kooban siiyey Jamhuuriya xalay, ayaa hambalyeeyey shirkii golaha dhexe ee KULMIYE iyo natiijadii ka soo baxday.
“Waxaan hambalyeynayaa shirkii Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE ku doorteen Madaxweyne iyo Madaxweyne-ku-xigeenka – (Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdiraxmaan Saylici) – u tartamaya doorashada Madaxtooyada ee la qoondeeyey inay qabsoonto bisha March ee sannadka 2017,” ayuu yidhi wakiilka hay’adda DANIDA oo fadhigiisu yahay caasimadda Somaliland Hargeysa oo ka mid ahaa marti-sharaftii ka qaybgalay furitaankii shirka Golaha Dhexe ee KULMIYE maalintii Salaasada.
Waxa kaloo uu tilmaamay muhiimadda doorashadii murrashaxiinta xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) u yeelan doonto u diyaargarawga doorashooyinka guud ee Somaliland ka qabsoomaya sannadka 2017.
“Doorashadii shalay (maalintii Salaasada) waxay ahayd dhacdo muhiimadeeda leh. Taas macnaheedu waxa weeye xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu imminka kadib waxay diiradda saarayaan ama isha ku hayn doonaan u diyaargarowga doorashada (madaxtooyada iyo Golaha Wakiillada), taasoo aannu ku rajo weyn nahay inay dhici doonto 27 March 2017-ka,” ayuu yidhi Mr. Micheal Thyge Poulsen.
Madaxa Xafiiska Hargeysa Hay’adda DANIDA, ahna Xidhiidhiyaha Barnaamijyada (Head of Office/Programme Coordinator), ayaa sidoo kale ka hadlay qalabka loogu talogalay diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland oo dalka yimi, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo horumar aad u muhiim ah inay shalay (Salaasadii) yimaaddeen qalabkii diiwangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, kuwaasoo weliba laga keenay waddanka Denmark.”
Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Denmark ee la yidhaa DANIDA, lana shaqaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalkaas, ayaa markii u horreysay shaqadooda ka bilaabay magaalada Hargeysa oo ay xafiis ka furteen bishii August ee sannadkii 2012.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post