X
    Categories: Warar

Dawladda Britain Oo Shaacisay In Doorashada Madaxtooyadu Fursad Muhiim Ah U Tahay Somaliland

Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaacisay in qabsoomida doorashada Madaxtooyadu fursad muhiim ah u tahay hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Sidaana waxa shaaciyey safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador David Concar oo kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasoo markii shirku dhammaaday saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada Somaliland, isagoo caddeeyey in dawladiisu si buuxda u taageerayso hawlaha doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan inay qabsoonto bisha November ee sannadkan 2017.
“Waxa aannu ka wadahadalnay doorashada madaxtooyada ee soo socota, taasoo ay dawladda UK si xoogan u taageerayso, isla markaana aannu rumaysannahay inay jirto fursad muhiim u ah Somaliland, taasoo ah inay u muujiso dadweynahooda, tustana mandaqada Gobolka iyo guud ahaan caalamka inay weli ku taagan tahay tubta hannaanka dimuqraadiyadda oo ah inay qabsoonto doorasho xor iyo xallaal ah oo si siman loogu tartamo, kana soo baxdo natiijo u wada cuntami karta dhammaanba bulshada reer Somaliland,” ayuu yidhi Safiirka Ingiriisku.
Waxaannu intaas ku daray; “Waxa ay taasina u noqon kartaa Somaliland fursad aad u layaab leh oo ah inay dib u soo cusboonaysiiso kalsoonida beesha caalamka iyo dadkeeda muwaadiniinta ah ku qabaan hannaanka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, taasina waa wax aannu si aad ah u sugayno, kalana shaqaynayno hannaankaas (Doorashooyinka) ee Somaliland.”
Ambassador David Concar oo xilkiisa safiirnimo ee Soomaaliya loo magacaabay bishii November ee sannadkii 2016-kii, ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kale ee ay ka wadahadleen Madaxweyne Siilaanyo, waxaannu yidhi; “Waxa aan kulan muhiim ah la qaatay Madaxweynaha Somaliland, iyadoo aannu ka wadahadalnay xidhiidhka fiican ee u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska, halka sidoo kale aannu isla soo qaadnay dhinacyada kala duwan ee ay dawladda UK ka caawiso Somaliland, haddii ay tahay horumarinta Somaliland, taageerada gargaarka bani’aadanimo ee dadka ku dhibaatoobay abaaraha, taageerada iskaashiga dhinacyada kale ee muhiimka ah oo ay ku jiraan, uguna muhiimsan yahay ammaanka.”
“Waxa kaloo aannu si gaar ah uga wadahadalnay taakulaynta gargaarka bani’aadanimo ee abaaraha, iyadoo dawladda UK ay si aad ah uga walaacsan tahay saamaynta ka dhalatay abaarta, waxaanna naga go’an in aannu sii wadno wax kasta oo aannu awoodno ka qaadhaan-bixiye ahaan, waxaanan kala shaqaynaynaa Hay’adaha Qaramada Midoobay si taageerada loo gaadhsiiyo dadka baahan ee reer Somaliland si looga saaro waqtigan adag ee hadda lagu jiro, loona dhiso habka ka soo kabashada ah,” ayuu yidhi Safiirka Ingiriisku.
Waxa kaloo uu tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay safarkiisa uu ku yimmi dalka Somaliland, waxaannu yidhi; “Aad ayaan ugu farraxsanahay sida fiican ee safarkayga la iigu soo dhaweeyey Somaliland, run ahaantiina kulano iyo wadahadalo aad u qurux badan ayaan la qaatay hoggaamiyeyaasha siyaasadda ee halkan (Somaliland), Ururrada bulshada rayidka ah, iyadoo aan wax badan ka bartay muhiimadda Somaliland u leedahay dalka Boqortooyada Ingiriiska (UK) iyo muhiimadda UK u leedahay Somaliland.”
Waxa kaloo Safiirka Ingiriisku sheegay in wadahadalka u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya la sii ambo-qaadi doono marka ay qabsoonto doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13 November 2017, haddii Ilaahay yidhaah, iyadoo cidda ku guulaysata doorashadu ay hormuud ka noqon doonto wadahadalka Somaliland ay la furayso Soomaaliya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post