X

Dawladda Britain Oo Lacag Malaayiin Dollar Ah Ku Deeqday Dawladdaha Somalia, Kenya Iyo Ethiopia

#Araweelo_News_Network.

 

London(ANN)-Dawladda Britain, ayaa sheegtay inay dhaqaale malaayiin dollar ah ku taageerayso dalalka Soomaaliya, Ethiopia iyo Kenya.

Wasiirka Amniga Britain, Tom Tugendhat, ayaa sheegay inay saddexda dal la saxeexdeen heshiis dhigaya in $ 12 .5 milyan oo u dhiganta (£9.9m) .

Tom oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay dalalkaa ku teegeerayaan sidii looga wada shaqayn lahaa amniga gobolka iyo la dagaalanka argagixisada.

Wuxuu sheegay in kooxaha Al-shabaab deegaamada ku taxan xudduudaha saddexda dal ay ka samaysteen saldhigyo ay ka filiyaan hawlgalada ka dhanka ah amniga.

Sidoo kale, xukuumadda Britain ayaa sheegtay in ujeedada laga leeyahay maalgelintan ay tahay sidii bulshooyinka ku dhaqan meelaha xudduudaha usoo sheegi lahaayeen falalka ay meelaaha ka wadaan Al-shaabaab.

Britain, ayaa dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku caawisay dhaqaale iyo Hub ay sheegtay in lagula dagaalamayo Al-shaabaab, waxayna arrimahan kusoo beegmaayaan, iyadoo xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh dedaal iyo juhdi geliyeen sidii dalka looga safayn lahaa Al-shaabaab.

Please share with your friends the news and information provided by   Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post