X

Dawladda Biritain Oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Hortiisa Kaga Dhawaaqday Dhaqaale Gaadhaya £ 25 Milyan

Madaxweynaha Somaliland Iyo wasiir dawlaha Britain ee Afrika

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo ka socda dalka Ingiriiska oo ay hoggaaminayso wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Afrika, ahna madaxa hay’adda horumarinta caalamiga ah ee DFID. Harriett Baldwin.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo Hadyad gudoonsiinaya Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin oo hoggaaminaysay Wefdi booqasho ku yimi Somaliland 7 Oct. 2018.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay weftiga ka socda dalka Ingiriiska, ayaa diiradda lagu saaray arrimo door ah oo salka ku haya xidhiidhka qotoda dheer ee ka dhexeeya Somaliland iyo Britain iyo wada-shaqaynta labada dhinac ee dhinacyada siyaasadda, horumarinta iyo iskaashiga, waxana madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Ingiriiska, Marwo Ayaan Maxamuud Cashuur.

Wasiirka arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Sacad Cali Shir, ayaa markii uu kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta uga warramay waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftiga ka socda dalka Ingiriisku sida gaarka uga wada-hadleen, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Madaxweynaha iyo weftigu waxa ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay kamid tahay iskaashiga labada dal ee dhinacyada iskaashiga, horumarka, nabadgelyada, kaabayaasha, doorashooyinka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, wada-hadalkaasina si wacan buu u dhacay, ingiriiskuna waa dawladda inoogu deeqda badan, aad iyo aadna waannu uga mahadcelinayey deeqdaas uu Ingiriisku ina siiyo, waxana aannu isla meel-dhignay inaynnu is-kaashigeennaa iyo wax wada-qabsigeennaas aynnu halkaas kasii wadno.”

Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin oo iyaduna dhinaceeda ka xog-warrantay kulanka weftiga ay hoggaaminaysaa la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ammaantay horumarka dhinacyada badan leh ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxana ay shaacisay dhaqaale horleh oo ay dawladdeedu ugu deeqayso wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland, waxana ay tidhi, “Aad baan ugu faraxsanahay inaan imaaddo caasimadda Hargeysa oo aan arko mid kamid ah dalalka Afrika ee xidhiidha qotoda dheer la leh dalkayga, maantana waxa aan indhahayga kusoo arkay qaar kamid ah mashaariicda uu dalkaygu maalgeliyo ee loogu talo galay dadka reer Somaliland.

Sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Development fund) waxa uu gacan siinayaa mashruuca biyo ballaadhinta Hargeysa, waxana aan aad ugu faraxsanahay inaan maanta halkan kaga dhawaaqo bilowga wejiga labaad ee mashruuca horumarinta Somaliland oo aannu ugu deeqaynno £ 25-Milyan oo bound oo wax lagaga qabanayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka Somaliland.” Ugu dambayntii waxa ay wasiiru-dawluhu madaxweynaha ku bogaadisay sida ay uga go’an tahay horumarinta, hirgelinta dimuqraaddiyadda iyo sida ay uga go’an tahay in ay waqtigooda ku qabsoomaan doorashooyinka Dawladaha Hoose iyo Baarlamaanku, iyada oo hoosta ka xarriiqday in dalka Ingiriisku sii ahaan doono saaxiib dhaw oo ay Somaliland leedahay.

Wa-bilaahi Tawfii

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post