X
    Categories: Warar

Dawladda Imaaraadka Oo Hubaynay Maamul Goboleedyada Soomaaliya Ee Kasoo Horjeeda Dawladda Federaalka Iyo Ra’iisal Wasaarihii Hore Oo Dilaal Ka Noqday

Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Dawladda Imaaraadka, ayaa wada qorshe ay Hub ku siinayso Maamul goboleedyada Soomaaliya ee dhowaan soo saaray go’aanka ka dhanka ah Dawladda Federaalka.

Sida ay sheegayaan Ila wareedyo laga helay warkan oo ku sugan muqdisho arrintan, ayaa soo baxday kadib markii uu dalka kusoo laabtay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake oo  Soomaaliya ka soo noqday laba jeer Ra iisal wasaare, isagoo xiligan ka mid  ah xildhibaanada Aqalka sare

 

Hubka Dawladda Imaaraadku geynayso Soomaaliya, waxay Wararka hordhaca ah ee shebekada Araweelo News Network heshay sheegayaan in la doonayo in loo qaybiyo  maamul goboleeyada kasoo Horjeeda Dawladda Federaalka, waxaana qandaraaska lagu siiyay Cumar Cabdirashiid inuu gacanta ka geliyo Maamul giboleedyada Puntland, Jubbaland, Caddaado Iyo Koonfur Galbeed oo Baydhabo ah, iyadoo la filayo in maalmaha soo socda laga dejiyo Dekedda Kismaayo Iyo Boosaaso.

warku wuxuu intaa ku darayaan in la doonayo in Hubkaa lagula dagaalamo Dawladda Federaalka haddii ay talaabooyinka Maamul goboleedyada fara gelin ku sameeyay.

Arrintan ayaa kusoo beegantay, iyadoo todobaadkan ay Maamul goboleedyadu Shir  ay ku yeesheen Magaalada Kismaayo kasoo saareen gole ay ku midoobeen oo Guddoomiye looga dhigay Cabdiweli Gaas oo ah Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Iyo Go’aamo Ka dhan ah Dawladda Federaalka.

sidoo kale waxay kusoo beegantay in Dekedda Magaalada Boosaaso ay la wareegtay Shurkadda laga leeyahay Imaaraadka ee Dp World, iyadoo waxba kala socon Heshiiskaa Dawladda Federaaalka oo Dalalka Khaliijka ay Isku khilaafeen xiisada dalka Qadar ee u dhaxaysa, taasoo sababtay in Dalalka xulufada sucuudiga ay Ka cadhoodaan mawqifkii ay dawladda Fedraalku Ka qaadatay xiisada u dhaxaysa, Isla markaana dalka Imaaraadku Maamul goboleedyada Soomaaliya xulufadii uu ka waayay dawladda Dhexe ee Fedraalka la samaystay, isagoo xiligaana doonaya in meesha laga saaro dawladda Fedraalka.

Ma Jiro wax war ah oo dawladda Federaalku kasoo saartay qorshaha dawladda Imaaraadku Hubkaa ku geynayso Soomaaliya ee ugu Gacan gilinay Maamul goboledyada, waxayna Sidoo kale arrintani soo baxday saddex maalmood kadib markii ay Xilalkii ay hayeen iska casileen Wasiirkii Gaashandhigga Iyo Taliyihii Ciiddanka Qaranka, kuwaas oo aan la ogayn sababta rasmiga ah ee ay mar xilka uga wada tageen, balse ay soo baxayaan warar sheegaya in is casilaadoodu ka timi dalab kaga yimi Dalalka Khaliijka, gaar ahaan dalka Imaaraadka oo doonaya in meesha laga saaro Awoodda dawladda Fedraalka, Isla markaana la xoojiyo Maamul goboleedyada taabacsan siyaasada Iyo qorshohooda ku Waajahan Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxay arrintan kusoo beegantay, iyadoo xiligan dhalinyaro Soomaali ah oo gaadhaya 700 lagu diyaarinayo magaalada Muqdisho, kuwaas oo dalka Qadar la geynayo si ay uga mid noqdaan ciidanka dalkaa.

Xildhibaanada dawladda  Fedraalka Soomaaliya, ayaa hore dawladda Imaaraadka ugu eedeeyay in ay fara gelin ku hayso dawladda Federaalka, iyagoo ku dooday in ay xidhiidho la samaysay Maamul goboleedyada Iyo dad shacab ah, iyadoo aan soo marin dawladda dhexe ee Federaalka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post