Araweelo News Network

omarshucayb
Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shaacisay in dawladaha Somaliland iyo Masar ay ku heshiiyeen inuu dhexmaro iskaashi ganacsi toos ah oo labada waddan u dhexeeya.
Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland Dr. Cumar Shucayb oo booqasho ku tegay dalka Masar, ayaa kulan dhexmaray dhiggiisa dalkaasi la sheegay inay ku kala saxeexdeen heshiis ganacsi ay wada yeela doonaan Somaliland iyo Masar.
Sidaana waxa shaaciyey Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee xukuumadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Nuur oo shir jaraa’id uu ku qabtay xafiiskiisa kaga warramay safarka wasiirkiisa iyo dadaallada xukuumaddu ku doonayso in suuq loogu helo xoolaha nool.
“Markii Sucuudigu joojiyey xoolaheenna Wasaaradda Ganacsigu waxay qaaday tallaabo aad u muhiim ah oo ah sidii suuq loogu heli lahaa xoolaheenna inta la fasaxayo oo kolay muddo badan qaadanmayso oo dawladda Somaliland gacan bay ku leedahay sidii hawshaa loo fududayn lahaa ee loo gali lahaa, markaa Wasiirkii Wasaaradda Ganacsigu wuxuu hadda joogaa Qaahira caasimadda dalka Masar, wuxuu la kulmay Wasiirkii Ganacsiga iyo maalgashiga caalamiga ah ee Masar, waxay ka wadahadleen qodobo aad u muhiim u ah oo ah in labada dal ay yeeshaan xidhiidh ganacsi oo toos ah oo la kala saxeexday, waxa ka mid ah heshiiska in carwooyin waawayn laga furo Hargeysa iyo caasimadda Masar Qaahira oo la isku dhaafsado waxyaabaha dhankeenna ka taga iyo waxa dhankooda ka yimaada,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku, waxaannu intaa raaciyey in heshiiskan ay qayb ka tahay taageero horumarin dhanka awoodda ah oo ay Masar siiso Wasaaradda Ganacsiga Somaliland iyo tababarro ay helaan shaqaaluhu.
Waxa kaloo uu sheegay in dawladda Somaliland wado dadaallo la xidhiidha sidii dib loogu furi lahaa ama suuqyo kale loogu heli lahaa xoolaha dalka, waxaannu yidhi, “Waxaannu shacabka u sheegaynaa in aanay dawladdu ka gaabin oo aannu dareen iyo xannuun la qabno shacabkayaga in aannu suuq u helno xoolaheenna, weftiyo ayaa jira ay xkuumaddu dirtay oo galaabaxaya dawladaha kaloo fara badan, Sucuudiga laftiisa xukuumaddu wefti bay u dirtay oo u tagay sidii xoolaheenna loo sii dayn lahaa oo muddo dheer qaadanmayso, sidoo kale Wasiirka Ganacsiga waad aragtaan oo wuxuu joogaa Masar inuu uga sii duulo dalal kale oo Carab ama meelo kale way dhici kartaa.”
“Markaa wax ay dawladdu kala hadhayso shacabkeeda abaartu culaysisay haba yaraatee ma jirto, waxaanay dadaal ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn suuq kale oo aynu gayno wax-soo-saarkeenna hadday xoolo tahay iyo hadday Kalluun tahay, markaa shirar baa lagu jiraa, weftiyo ayaana loo kala diray meelaha ay khusayso ee dawladaha Carabta sidii suuqyo kale loogu soo heli lahaa xoolaheenna,” ayuu yidhi Md. Axmed Maxamed Nuur.