X
    Categories: Warar

Dawlada Uganda Oo Ciidamo Boolis Ah Usoo Diray Somalia

Araweelo News Network

AMISOM Deputy Police commissioner, Christine Alalo in Kismayo, Somalia, for Somali Police Force capacity building in Jubbaland. On July25, 2015. AMISOM Photo/ Awil Abukar

Kambala(ANN)Dowladda Uganda ayaa sheegtay in ciidamo dheeraad ah oo Boolis ah ay u soo diri doonto Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka Booliska dawlada aan awooda badan lahayn ee Somalia.

Sida uu sheegay Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska dalka Uganda ayaa Commissioner Christine Alalo, dowladda Uganda waxay dhowaan ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee dalkeeda usoo diri doonaan Soomaaliya, isagoo xusay in la filayo in Bilaha soo socda ay ka dhacaan Somalia Doorashooyin.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan ciidankan Tababar loo soo xidhay, isagoo tilmaamay in ay ka qeyb qadanayaan sugida amniga Goobaha oo ay ka dhacayaan Doorashooyinka Soomaaliya si ay u caawiyaan ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Dowladda Uganda oo ka mid ah dowladaha ay ciidamada ugu badan ee Midowga Afrika ee AMISOM ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira ururka Al-shabaab, balse joogitaanka Ciidamada tirada badan ee AMISOM, ayaan waxba ka bedelin xaalada qaska iyo dagaalka ka jira Somalia, iyadoo kooxda Al-shaabab weerraro qaraxyo joogta ah ka fulisa gudaha magaalada Muqdsho, isla markaana si gaar ah u bartilmaameedsada xeryaha iyo xarumaha dawlada oo ay ciidamada AMISOM joogaan, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo dhowaan ay ahayd markii Uganda ku hanjabtay inay ciidamadeeda kala baxay Somalia.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post