X
    Categories: Warar

Dawlada Turkiga Oo Maalgelinay Wershed Ciidamadda Somalia Looga Dhisayo Muqdisho

Araweelo News Network

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Cabduqaadir Sheekh Cali Diini oo dhagax dhigaya Wershadda Ciidamadda

Mogadishu(ANN)Dawlada Turkiga, ayaa ugu deeqday Somalia Wershad soo saari doonta dharka, gaar ahaan dirayska iyo agabka Ciidamada Somalia.

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Cabduqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa maanta dhagax dhigay Wershaddaa oo sida uu sheegay ah mid casri ah, isla markaana soo saari doonta, ama samayn doonta Dirayska Ciidanka Qalabka sida ee Somalia.

Wershadda, waxa uu sheegay in dhismaheeda ay gacan ka siinayso dawladda Soomaaliya dalka Turkigu, taas oo sida uu xusay ciidamada ka haqab tiraysaa baahida dirayska, isla markaana suurta gelinay in laga maarmo dirayska kala duuwan oo haatan la isticmaalo.

“Maanta waa maalin taariikhi ah waxaan dhagax dhignay warshaddii Ciidamadda u toli lahayd dharka, waxaan rajeynayaa in warshaddani ay anfacdo dalka oo dhan. Warshaddan waxaa noogu deeqay dawladda Turkiga oo aan uga mahad celinayno” ayuu ydhi Wasiir Diini.

Dawlada Turkiga, waxay Somalia gelisay dhaqaalle malaayiin dollar ah, iyadoo ka hir gelisay dhismayaal wadooyin laami ah magaalada Muqdisho, sidoo waxay ka fulisay mashaariic waaweyn iyo dhsimayaal baddan, tan iyo markii ay joojisay malaayiin dolar oo ay bil walba lacag cadaan ah u siin jirtay xukuumadda Somalia, taas oo ay joojisay markii ay ogaatay musuq-maasuq balaadhan oo lagu sameeyay lacagtaa, kadib joojisay dhamaadkii sanadkii 2013, waxayna lacagtaa oo si toos ah loogu siin jiray xukuumadda ku bedeshay mashaariic waaweyn oo ay ka fulisay muqdisho.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post