X
    Categories: Warar

Dawlada Liibiya oo Qabatay Doonyo Siday Boqollaal Tahriibayaal Afrikaan ah

Araweelo News Network

Tripoli (ANN)Afhayeen u hadlay xukuumadda waddanka Liibiya, ayaa sheegay inay ciidankoodu qabteen 7 doonyood oo siday boqollaal qof tahriibayaal ka soo kala jeeda dalal badan oo Afrikaan ah, kuwaas oo doonayey inay ka tahriibaan xeebaha dalkooda maalintii Axadda.
Doonyahaas oo lagu qabtay meel u dhow magaalo-xeebeedda Sabratha oo dhinaca galbeed kaga beegan caasimadda dalka Liibiya ee Tripoli, waxa tahriibayaasha Afrikaanka ah ee la socday ku jira 79 haween ah, kuwaas oo 11 ka mid ah uur leeyihiin.
In ka badan 30,000 qof oo tahriibayaal ka gudbay Liibiya ayaa la xaqiijiyey inay gaadheen dalka Talyaaniga ee qaaradda Yurub sannadkan gudihiisa oo keliya.
Tallaabada dawladda Liibiya ku qabtay doonyaha tahriibayaasha badan sida ayaa ku soo beegntay waqti la filayo inuu magaalada Istanbul ee waddanka Turkiga ka furmo kulankii ugu horreeyey ee caalamku kaga tashanayo arrimaha bani’aadminimada oo Qarammada Midoobay soo qabanqaabisay.
Hoggaamiyeyaal dalal dhawr ah, hay’adaha samafal iyo kuwo kale ayaa kulankaas kaga wada xaajoon doona jawaab-celinta maaliyadeed ee arrintaas iyo sida ugu wanaagsan ee loo caawin in kor loo qaado baahiyaha ugu waaweyn ee ka dhasha arrimaha bani’aadamnimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin qaxootiga iyo tahriibka oo werwer xooggan ku haya waddama qaaradda Yurub.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 15 bilyan oo doollar ay ka hoosayso kharashaadka gargaarka ee sannadkii loo baahan yahay, lacagaha iyo deeqda la helaana aanay dhaafin arrimaha aasaasiga ah.
Hay’adda Dhakhaatiirta aan Xuduudda Lahayn (MSF), ayaa diidday ka qaybgalka shirka ka furmaya Istanbul, iyadoo ku doodday in aan dawladaha adduunka culays lagu saarin inay jabiyaan xeerarka xuquuqda aadanaha, isla markaana aanay ka soo bixi doonin ballanqaadyo cusub.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post