X
    Categories: Warar

Dawlada Jarmalka Oo Ciidamo U Diray Somalia

Araweelo News Network

Barlin(ANN)Dawlada Jarmalka ayaa shaacisay inay ciidamo u dirayso dalalka Somalia iyo Mali. Sidaan waxa laga sheegay fadhi ay xildhibaanada baarlamaanka wadanka Jarmalka ayku yeesheen magaalada Baarliin.
Dood dheer oo dhexmartay xubnaha Baarlamaanka, waxa ugu dambeyntii isku raaceen in ciidamo loo diro dalalka qaaradda Afrika oo ay soomaaliya kamid tahay.

Dowladda Jarmalka waxay sheegtay in boqolaal askari ay u diri doonto wadamada Maali iyo Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaallo ka dhan ah kooxaha Booko xaraam iyo Al-shabaab.

Dhinaca kale Waregyska The Sputnik ee kasoo baxa Baarliin ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Badda Jarmalka ay u jihaysan doonaan xeebaha soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha Budhcad badeedda iyo kuwa argagaxisada.

“Baarlamaanku wuxuu ansixiyay in ciidan melleteri loo diro Maali iyo Soomaaliya iyagoo qeyb ka ah howlgallada ururka EU” sidaa waxaa yidhi xoghayaha guud ee baarlamaanka Jarmalka.

Ciidanka Jarmalku geynayo Maali ayaa la filayaa in ay tababaraan maleeshiyaadka xukuumadda taakta daran ee Bomako halka ciidanka soomaaliya soo aadaya ay xaalufin doonaan kheyraadka dhax ceegaaga badda soomaaliya iyagoo ku marmarsiyoonaya la dagaalanka argagaxisada.

Araweelo News Network

Somaliland Office

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post