X
    Categories: Warar

Dawlada Israel Oo Raali Gelin Ka Bixisay Cod Sir Ah Oo Lagu Caayay Masuuliyiinta Britain

Araweelo News Network

Alan Duncan


London(ANN)- Safiirka Israa’iil u fadhiya magaalada London ee cariga Britain, ayaa raali gelin bixiyay kaddib markii la duubay codka xubin ka mid ah howlwadeenadiisa oo leh, “ waxaan jeclaan lahaa inaan meesha ka saaro, ama sumcadda ka dilo qaar ka mid ah xildhibaanada Britain, oo uu ka mid yahay Alan Duncan oo ah wasiir haya xil arrimo dibadeed.

Muuqaalkan oo loo duubay taleefishinka Al-Jazeera, ayaa sheegaya in siyaasigan magaciisu yahay Mr. Shai Masot, uu sheegay in Alan Duncan uu sababay dhibaatooyin badan.

Waxaa sidoo kale uu ku tilmaamay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee UK, Boris Johnson, qof doqon ah.

Siyaasigan Alan Duncan, ayaa aad u dhaliila siyaasadda Israa’iil, isagoo taa bedelkeeda taageera qadiyadda Falastiin.

Crispin Blunt, oo ah guddoomiyaha guddiga Baarlamaanka Britain u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa talaabadani ku tilmaamay mid ceeb ah, isagoo xusay in loo baahanyahay in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo.

Safiirka Israa’iil ee Britain ,Mr Mark Regev, waxaa uu sheegay in hadalkaasi aannu aheyn mid ka turjumaya aragtida dowladda Israa’iil ee dhinaca Dublamaasiyada.

Safiirka ayaa sidoo kale ku dooday in hadalkan uu ka soo yeedhay qof aan sidaasi u khibrad badneyn, oo aan xitaa ka tirsaneyn diblomaasiyiinta Israa’iil, waxaana uu intaa ku daray in halkaasi ay ku egtahay howlihii shaqo ee uu ninkaas hadalka laga duubay ka hayay safaaradda Israa’iil ee Britain.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post