X
    Categories: Warar

Dawlada Finland Oo Sheegtay inay Somaliland ka Caawinayaan Adeegyada Dhinaca Caafimaadka

Hargeysa (ANN) Dawlada Finland, ayaa sheegtay inay Somaliland ka caawinayaan addeegyada dhinaca Caafimaadka. Sidaana waxa shaaca ka qaaday Sofie From-Emmesberg oo ah Haweenay Safiir uga ah dalka Finland Nairobi oo booqasho ku timi Somaliland.
Safiirka dalka Finland u fadhida magaalada Nairobi ee dalka Kenya Am. Sofie From-Emmesberg, ayaa booqashadeedu la xidhiidhay indho indhayn si ay ugu kuurgasho caawimo ay dawladeedu u fidiso cusbitaalka Guud ee Hargeysa.
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Xasan Daahir Dhimbiil oo weftiga safiirka Finland hoggaaminayso ku soo dhaweeyey Wasaaradda iyo cusbitaalka guud, ayaa sheegay in dawladda Finland ka caawiso Somaliland dhinaca caafimaadka, waqtigana ay iska kaashan doonaan horumarinta cusbitaallada gobollada dalka.
“Aad baan ugu mahadnaqaynaa safiirka Finland, booqashada ay noogu timi, iyadoo dawladda Finland soo gaadhsiiso Somaliland caawimo badan, gaar ahaan cusbitaalka Hargeysa, waliba cusbitaalka TB-da, noona keeneen dadkii aqoonyahanka ahaa ee Finland joogay si aannu aqoontooda iyo waayo-aragnimadooda uga faa’iidno,” ayuu yidhi Md. Md. Xasan Daahir Dhibiil.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, ayaa xusay in weftiga safiirka Finland u kuurgaleen mashaariic caafimaad oo ay cusbitaalka guud ee Hargeysa ka fuliyaan, isagoo tilmaamay inay ka wadahadleen sidii cusbitaallada gobollada dalka loo horumarin lahaa, waxaannu yidhi; “Waxa ay noogu yimaadeen in ay booqdaan cusbitaalka guud, una kuur galaan taageerada cusbitaalka u fuliyaan, taasoo ay ka mid tahay taageero dhakhaatiir iyo mid caafimaad oo Finland ka bixiso cashuuraha muwaaddiniinteeda, dad badan baana ka faa’iida, waxaana cusbitaalka ka hawlgala 15 dhakhtar oo ay taageerto dawladda Finland oo gunnooyin siiso.
Waxa aanu ka wadahadalnay sidii loo ballaadhin lahaa mashruucan oo loo gaadhsiin lahaa 6 gobol ee kale, dhakhaatiir kalena loo gayn lahaa gobollada.”
Agaasimaha Cusbitaalka Guud ee Hargeysa, ayaa safiirka tusay dhammaan qalabka cusbitaalka yaal iyo sida hawsha cusbitaalku u socoto.
Safiirka Finland u fadhiya Kenya Mss. Sofie From-Emmesberg, ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay sida xukuumadda Somaliland ugu shaqayso shacabkeeda, gaar ahaan sida ay adeega caafimaad ugu fuliso, waxaanay ballanqaaday in dawladeedu dhinaca caafimaadka kala shaqayn doonto Somaliland.
Intaa kadiba waxay kormeer ku martay dhammaan goobaha kala duwan ee addeegyada Caafimaadka Cusbitaalka Guud, gaar ahaan qalabka caafimaadka ee yaala cusbitaalka oo ay caawimo weyn dawladeedu ka gaysato badankooda.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post