X
    Categories: Warar

Dawlada Federaalka Iyo Maamul Goboleedyada Somalia Oo Shirkii Garoowe Kasoo Saaray Qodobo Ay Heshiis Ku Yihiin

Garoowe(ANN)Shir Magaalada Garoowe ee xarunta Maamul goboleedka Puntland uga socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ka jira Somalia, ayaa laga soo saaray 7 qodob oo dhanacyadu ay sheegeen inay heshiis ku yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada ayaa sheegay in ay ku heshiiyeen 7-qodob, kuwaas oo kala ah sidan:-

1:Fulinta Heshiisyadii hore loo gaadhay.

2:Dastuurka iyo arrimaha Federaalka.

3:Dhismaha maamullada qaybta ka noqonaya Federaalka.

4:Higsiga 2016.

5:Amniga.

6:Qaybsiga khayraadka dabiiciga ah.

7:Baahinta maamulka.
Qodobka ugu horeeya eek a hadlaya fulinta Heshiiyadii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada ay hore u wada gaadheen, ayaa Guddi gaar ah loo xil saaray fulinta arrimahaa iyo wixii la xidhiidha.

Waxaana heshiiska ka kooban 7-da qodob saxeexay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada kala ah, Jubbaland, Puntland iyo Koonfur Galbeed.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post