Diyaarada ayaa siday sida ay bàahisay wakaalada wararka ee Irna 20 tonn oo gargaar ah oo loogu galay in la gaadhsiiyo dadka shacabka Yemen ee dhibaataysan, balse Xukuumadda Djibouti, ayaa xulufadaSucuudigu ku khasbeen in aanay aqbalin diyàarada in aan loo ogolaan inay fadhiisato dhabaha Diyaaradaha ee Djibouti.
Xukuumadda Iran ayaan wax war ah kasoo saarin weli arrintaa, balse Diyaarada ayàa ku laabatay dalka Iran. Sakaal aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay wakaalada wararka we Irna in diyaaradu fadhido Shabahar oo ah gobolka Koonfur bari ee dalka Iran, wuxuna sheegay inay halkàa fadhiyay inta ay jawaab sax ah ka helayso xukumadda Djibouti.
arrintan ayàa timi iyadoo Dekeda Dalka Djibouti uu shalay soon gaadhay Markab dawlada Iran leedahay oo sida shixnad Caawimo 2,500 ton, oo ka kooban Bariis, Daqiiq, sonkor, Biyo I yo dawooyin la donayo in loo gudbiyo dhinaca dalka Yemen, waxayna arrinta diyaarada la celiyay walaac ku abuurtay Qaramada Midoobay iyo Hay’addaha gargaarka oo ka walaacsan saamaynta khilaafka dagaalka Yemen ee Xulufada Sucudiga I yo Iran ku yeelan Karo arrimaha gargaarka bini’aadanimo iyo duruufaha qalafsan èe ka jira Yemen, kuwaas oo lag a cabsiqabo inay xaalada sii murgiyaan.