X
    Categories: Warar

Dawlada Britain Oo Digniino Loo Jeediyay

Britain(ANN)Madaxweynaha cusub ee Guddiga Midowga Yurub, Jean-Claude Juncker, ayaa uga digay dowladda Britain inay marmarsiyo ka dhigato shaqaalaha ka soo jeeda Bariga Yurub.

Isagoo ka hadlayay dood laga soo daayay teleefishan laga leeyahay waddanka Austria, ayaa Mr Juncker waxa uu si kulul u cambaareeyay qorshe uu soo jeediyay David Cameron oo ah in la xakameeyo xuquuqda dadka Yurub ee ka shaqeeya Britain.

Mr Cameron ayaa sheegay in uu doonayo in muhaajiriinta ay sugaan afar sano ka hor inta aanay dalban faa’iidooyin gaar ah.

Mr Juncker ayaa sheegay in uu doonayay in uu kala hadlo Mr Cameron qorshiisa, balse uu ku adkeestay mabaadii’da ah in shaqaalaha ay xor u noqdaan isu socodka gudaha Midowga Yurub.

Waxa uu sheegay in uu si xooggan uga soo horjeeday in loola dhaqmo dadka u dhashay wadammada Poland, Rumania iyo Bulgaria sida inay yihiin dad asal ahaanba danbiilayaal ah.

Dadkaasi oo uu sheegay inay yihiin dad shaqeysanaya oo kasbanaya dhididkooda. Mr Juncker ayaa sheegay in Britain, oo marwalba u dagaalami jirtay ballaadhinta Midowga Yurub, ay tahay inay joojiso kala sooca ka dhanka ah wadammada.

Waxa uu ka digay in Britian laf ahaanteeda ay suuragal tahay inay soo gaadho dhibaato haddii isu socodka xorta ah ee shaqaalaha la haleeyo. Mr Juncker ayaa sheegay in qorshaha Mr Cameron la siin doono dhageysi cadaalad ah, sidoo kale waxa uu sheegay in uu daneynayo in Britain ay sii ahaato xubin muhiim iyo wax ku ool u ah Midowga Yurub.
Source: bbc.co.uk/somali

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post