X
    Categories: Warar

David Cameron Ra’iisal-wasaarihii Hore ee Ingiriiska Oo Shaqo La Siiyay

Araweelo News Network

London(ANN)Ra’iisal-wasaarihii hore ee Ingiriiska Mr. David Cameron, ayaa loo soo jeediyey inuu shaqo ka qabto dalka Kazakhstan, gaar ahaan inuu la-taliye u noqdo Madaxweynaha Midowga Muslimka iyo Golaha Dhexe ee Xuquuqal-insaanka Eeshiya (Muslim Union and Central Asian Human Rights Committee).
Sida lagu daabacay wargeyska The Times ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay maalintii Sabtida ee toddobaadkan, qofka qabta shaqada amma xilkan loo soo bandhigay Mr. David Cameron, ayaa qaata magaca Sultan oo laga horraysiiyo magaciisa. Tusaale ahaan; Sultan David Cameron, waxaannu mushahar ahaan u qaadan doonaa lacag dhan $47 milyan oo doollar (£36 Milyan) sannadkii, waana heshiis lala galo qofka jagadan qabta.
“Waxa aannu tixgelinaynaa khibradda aad u leedahay siyaasadda, waxaanuna doonaynaa in aannu isticmaalno si nabad waarta looga sameeyo badhtamaha dalalka qaaradda Eeshiya. Waxa laga yaabaa in iskaashiga noocan ah uu kor u qaado dhaqaalaha iyo siyaasadda dalalkeenna,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeed ka soo baxay ururkan oo lagu socodsiiyey Mr. David Cameron.
Ma aha shaqadii ugu horraysay ee loogu yeedho Ra’iisal-wasaare Ingiriis ah inuu ka qabto qaaradda Eeshiya, balse Tony Blair waxa hore uu shaqo uga qabtay, taasoo ahayd inuu ahaa la-taliye lacag badan qaata, gaar ahaan ka qaata Madaxweyne Nursultan Nazarbayey ee isla dalka Kazakhstan waxa kale oo Cameron qasab ku ah si uu shaqadan u qabto inuu barto luqadda Kazakh ee lagaga hadlo Kazakhstan ee ku yaal badhtamaha qaaradda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post