X

Dareenka Ka Dhashay Booqashada Madaxweyne Ku Xigeenku Ugu Tegey Axmed Siilaanyo Kaddib Booqashadii Guddoomiyaha Mucaaradka Ee WADDANI

Araweelo News Network.

 

Abu Dhibai (ANN)-Madaxweyne -ku -xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil  Saylici oo ay weheliyaan masuuliyiin xukuumadda ka tirsan, ayaa booqasho sharafeed ugu tegey Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyagoo ku booqday  guriga uu ka deganyahay Abu Dhabi.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka waxa ku wehliyey booqashada Wasiirka Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta, Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi, iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan, waxayna booqashada ay ugu tageen Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo kusoo beegantay maalin kaddib markii Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi guriga uu ka deganyhay Abu Dhabia ku booqday Jimcihii Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo.

Booqashadaa, waxa goob joog ka ahaa Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) oo si weyn u dhliila hoggaaminta Madaxweyne Biixi. sidoo kale waxa goob joog ka ahaa xubno ka mid ah qoyska Axmed Siilaanyo oo uu ka mid yahay Baashe Cumar oo ahaa Safiirkii Somaliland ee dalka Kenya, isla markaana dhowaan ku gacan saydhay markii Madaxweyne Biixi u magcaabay Wasiir ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibedda.

 

 

Booqashada Madaxweyne ku xigeenka iyo booqashada guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ugu tageen Madaxweynihii hore, ayaan la ogayn waxa ay daarnaayeen, waxayna labada boqasho kusoo beegmeen xilli la qorshaynayo sidii ay doorashada Madaxtooyadu uga qabsoomi lahayd Somaliland marka la gaadho xilligeeda.

Hase yeeshee ilo -wareedyo ku dhow waftiga Madaxweyne ku xigeenka Somalialnd, ayaa tibaaxay in ay ahayd booqashadu mid ixtiraam, maadaama uu Axmed Siilaanyo yahay Hoggaamiye usoo halgalay, isla markaana yahay aasaasihii xisbiga KULMIYE, ee haya talada dalka,kaas oo Madaxweyne Biixi doonayo inuu mar labaad ku fuulo kursiga marka la gaadho doorashada Madaxtooyadda.

 

Sidaa awgeed  ilo-wareedyada, ayaa tibaaxay in labada dhinac ay taabteen arrimo si weyn uga soo baxay kaddib markii ay si toos ah ugu baaqeen madaxweynihii hore in uu si buuxda u taageero dalab kale oo madaxweynenimo oo ay waddo xukuumaddii uu ka tagay, wallow ila-wareedyadu tibaaxayaan in aannay noqon taasi mid Axmed Siilaanyo ku qancay.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici oo booqasho sharafeed ugu tegey Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Abu Dhabi, Image file Araweelo News Network. 25 Sep 2021.

 

Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu xukunka ku yimid taageero buuxda oo aan xad lahayn oo uu ka helay Madaxweyne Siilaanyo oo markaas talada hayey iyo xisbiga uu aasaasay ee Kulmiye. Wuxuuna Madaxweyne Biixi  qorsheynayaa inuu mar kale isu soo taago doorashada marka ay dhammaato muddadiisa 2022-ka, laakiin waxa muuqata in aannay xilligan muuqan taageeradii xilligaa loo hayay oo kale, iyadoo doorashooyinkii ugu danbeeyay ee gollayaasha Deegaanka iyo wakiillada 31 May 2021, lagaga adkaaday Xsibiga, isla markaana guuldaro weyn oo taariikhi ah ay soo gaadhay xisbiga Kulmiye

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo Wasiirka Tiknoolajiyadda iyo Isgaarsiinta, Cabdiweli Sheekh Cabdullaahi Suufi, oo booqasho sharafeed ugu tegey Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Abu Dhabi, Image file Araweelo News Network. 25 Sep 2021.

Dadka falanqeeya siyaasada, ayaa tilmaamaya in Kulmiye aannu xilligan hubin saldhiggii taageerada ee dhiirrigelinta lahaa ee uu ku naaloonayay sannadkii 2017 –kii, taas oo lagu sababaynayo qancin la’aan ballaadhan oo ku saabsan sida uu Madaxweyne Biixi u maamulay xukuumaddiisa iyo xisbiga laftiisa, waxayna tilmaamayaan in habkiisa dawladnimo uu si ula kac ah u kala qaybiyey daacad -u –ahaanshaha xisbiga in ka badan intii ay isku hayn jireen, taas oo lumisay taageerada deegaamo uu xisbigu ku dhaadan jiray.

Dhinaca kale, Booqashada Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo lagu tilmaamay in ay ahayd booqasho sharafeed, ayaan si dhab ah loo ogayn in ay jireen waxyaabo kale oo ay Madaxweynihii ka wada hadleen, waxayse ila -wareedyo ka ag dhow tibaaxayaan in aannay ka madhnayn is waraysi xaaladda dalka ee xilligan.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici iyo wefdigiisu booqasho sharafeedka ugu tegeen Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ay weheliyaan xubno qoyskisia ah, Abu Dhabi, Image file Araweelo News Network. 25 Sep 2021.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews Facebook@AraweeloNews instagram@araweelonews By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist. info@araweelonews.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post