X

Danjirayaasha DalalkaTurkiga Iyo Qadar Oo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Kala Hadlay Amniga Sii Xumaanaya

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Ambassador Mohmet Yelmez oo dalka Turkiga u jooga Soomaaliya iyo Ambassador Hassan Hamza oo dalka Qadar u jooga Soomaaliya 13 Jan 2021, Araweelo News Network

Araweelo News Network.

#Somalia: Danjirayaasha DalalkaTurkiga Iyo Qadar Oo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Kala Hadlay Amniga Sii Xumaanaya

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan albaabada loo xidhay kula yeeshay xafiiskiisa Danjirayaasha dalalka Turkiga iyo Qatar u jooga Soomaaliya.

Ambassador Mohmet Yelmez oo dalka Turkiga u jooga Soomaaliya  iyo Ambassador Hassan Hamza oo dalka Qadar u jooga Soomaaliya, walaw aan la ogayn waxyaabaha kulankaa ay kaga wada hadleen ra’iisal wasaare rooble iyo labada danjire.

Balse qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa lagu sheegay in kulankaa lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka dalalka Qadar, Turkiga iyo Soomaaliya.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kulanka arrimaha diiradda lagu saaray amniga howl-wadeennada ka shaqaynaya dhismaha waddada isku xidha Muqdisho iyo Afgooye oo ay maalgalisay dowladda Qatar, isla markaana fulinayso shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, halkaas oo dhowaan qarax lala beegsaday uu sababay in ay ku dhintaan shaqaale ka shaqaynayay oo ahaa Turki dhaawacyo iyo khasaare kasoo gaadhay.

Hase yeeshe ra’iisal Wasaaraha ayaa boggaadiyey sida ay ugu dhabar adaygeen howl-wadeennada gacanta ku haya dhismaha waddada, wuxuuna ka tacsiyadeeyay dawladda Turkiga  iyo shacbiga Soomaalida dhibaatadii loo geystay shaqaalaha Turkiga ee dhisayay, kuwaas oo ku geeriyooday falalkii argagixisadu ku doonayeen hakinta dhismaha waddadan muhiimka ah.

“Xilweyn ayay dowladdu iska saaraysaa sugidda amniga howl-wadeennada ka shaqaynaya waddadan, si aan loo dhibaatayn, argagixisaduna nagama horjoogsanayaan inaan dhammaystirno dhismaha waddadan halbowlaha u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka Caasimadda iyo gobolka Shabeellaha Hoose” ayuu yidhi Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraalka, ayaa lagu xisay in labada Danjire ee Turkiga iyo Qatar ay dhankooda xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay in lasii wado dhismaha waddadan iyo mashaariicda kale ee horumarineed ee ay ka wadaan Soomaaliya.

Dhinaca kale, wuxuuna kulankan kusoo beegmay iyadoo xiisado siyaasadeed iyo khilaaf cabsi abuuray oo ka dhashay qaabka doorashada uu ka jiro Soomaaliya, kaas oo u dhexeeya mucaaradka, xukuumadda iyo maamul gobolleedyada dalka.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post