Araweelo News Network
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Md. Khadar Xaaji Yuusuf Cabdillaahi, ayaa rajo ka muujiyey in goobaha aataarta qaddiimiga ahi ku duuggan tahay ay meel il-dhaqaale oo muhiim ah u noqon karaan dalka mustaqbalka dhaw.
Wasiirku waxa uu sheegay in buur aataar qaddiimi ah oo laga helay duleedka magaalada Berbera ay ahayd suuq ganacsi ay isugu iman jireen qaaradaha adduunka oo dhan ka hor muddo laba kun oo sanno ah waqtigii Nabi Ciise (CS).
Md. Khadar Xaaji Yuusuf oo qaar ka mid ah warbaahinta kala duwan ee dalka ugu warramay xafiiskiisa caasimadda Hargeysa, waxa uu iftiimiyey baadhitaanno ay sameeyeen dhawaan, waxaannu yidhi, “Tallaabada koowaad ee aan qaaday waxa weeye in bal raad-raacii taariikhdeena dib loo eego oo ay ugu muhiimsan tahay in aannu wax u raadino meelihii aataarta qaddiimiga ahayd oo aannu soo bandhigno sida meelo badan oo aan hore loo ogayn, laakiin imminka la helay oo la ogaaday, markaa baadhis badan baanu ku jirnaa, maalin dhawayd waxaan ka immi magaalada Bullaxaar, waxa laga helay godad badan, hay’ad Isbaanish ah (Spain) baa naga caawisay inay baadhis ku samayso aataarta qaddiimiga ah, warbixinteediina waxaannu doonaynaa in aannu bulshada u soo bandhigno wixii aannu ka helnay saddex meelood oo ay hay’addaasi nagala hawlgaleen iyo meel noo dhiman oo hay’addaasi nagala hawgashay, kuwaas oo ku kala yaal Berbera, meel la yidhaa Siyaara oo bariga ka xigta Berbera iyo Bullaxaar oo iyada muddo 15 casho ay hawsheeda ku jireen.”
“Maadaama dad aqoon u leh cilmiga aataarta ay yimaadeen waxyaabaha la ogaaday waxa ka mid ah in buurta laga helay Berbera marka cilmi ahaan loo daraaseeyo ay ahayd goob ganacsi oo ay isugu iman jireen caalamka oo dhami muddo hadda afar ilaa shan kun oo sanno ka hor ah, macnihii waxay ilaa laba kun oo sanno ah ka horreysay Nebi Ciise (CS) xilligaa meeshaasi ahayd goob ganacsi, waayo waxa laga helay qaarado kala duwan alaabtoodii oo meel keliya isugu timmi, taasina waxay caddaynaysaa inay meeshaasi ahayd suuq,” ayuu yidhi Wasiirka Dalxiisku.
Waxa kaloo uu sharraxay muhiimadda uu leeyahay dalxiisku guud ahaan adduunka iyo kaalinta u qorshaysan inuu ka gaadhsiiyo dalka Somaliland, waxaannu yidhi, “Dalxiisku waa meelaha caalamka dhaqaalaha ugu badan uu ka soo baxo, waxaannu ka soo galaa waxyaabaha ay ku faanaan ee ay ilaashadaan dalalka dunidu, markaa maadaama aannu dalxiiska dhaqaale badani ka soo galin waddankeenna waxaannu doonaynaa ugu yaraan wax nalagu xasuusto aannu gaadhsiino oo Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku ay noqoto mid ka dhex muuqata wasaaradaha ayaa hiigsigayagu yahay, taas oo noqota mid lagu xisaabtamo oo dhaqaale badani ka soo galo dalka, isla markaana aannu galino warbaahin badan si dalxiisayaal badani ay u ogaadaan in dalkeennu leeyahay aataar badan, tusaale ahaan Laasgeel oo kale waxa la yidhaa waxay ahayd toddoba kun ilaa toban kun oo sanno ka hor ayey ahayd, taasina waa taariikh ka horraysay tan ay ku faanaan Faraacinta (Masaarida) ee ay ku faanaan, dhaqaalaha badana ay ka helaan, markaa haddii aynu aataarteenna soo saarno oo soo bandhigno waxay noqonaysaa inay dad badani yimaadaan.”
Waxa kaloo uu sheegay inay baadhitaan ay ku kala shaandheeyaan ku samayn doonaan dalxiisayaasha imanaya Somaliland, si loo ogaado ujeeddada qof kasta oo dalxiise sheegtaa u imanayo dalka, isla markaana loo ilaaliyo aataarta qaddiimiga ah ee dalkeennu leeyahay. Sidaasi darteedna waxa uu farriin u diray ganacsatada shirkadaha dalxiiska gaarka loo leeyahay leh inay ilaaliyaan nidaamka ay dejisay dawladda Somaliland iyo ciidammada booliska uu ku wargeliyey in aanay goobaha dalxiiska u raaci karin dad ama shirkado dalxiisayaal ah iyadoo aanay ogayn Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiisku.
“Waxaan dadweynaha ugu baaqayaa inay goobaha dalxiiska ilaashadaan oo aanay u qaadan wax meel iska yaal ee ay tahay meel lacag laga heli doono haddii la ilaaliyo. Waxa kaloo aan baaq u soo jeedinayaa dadka daneeya waddaniyadda iyo diinta inay u soo gurmadaan meelaha u baahan wax laga qabto, waayo marka bulshada, ganacsatada iyo dawladda la iskaashado ayuu waddanku horumar gaadhayaa, laakiin waa in aan wax walba dawladda uun laga eegin,” ayuu yidhi Md. Khadar Xaaji Yuusuf, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Hadafkayaga ugu wayn ee aannu maanta doonayno wasaarad ahaan in aannu xoogga saarno waxa weeye masaajidkii Qiblataynka (labada qiblo lahaa) ee magaalada Saylac sidii loo dhisi lahaa, waa meesha keliya ee taariikh Islaam marka laga hadlayo yeelata laba Qiblo, taariikh caddaynaysa in diinta Islaamku waddankeenna soo gaadhay intaanay iman Madiina, waayo markii uu Rasuulku (NNKHA) uu joogay Makka ee aannu u haajirin Madiinna ayey asxaabtii yimaadeen dhulkan oo waqtigaas loo yaqaanay Ardul Xabash,markaa taasi waxay caddaynaysaa in Saylac ay summad u tahay diinta Islaamku innaga inooga soo horraysay Carabta maanta yidhaahda Muslim baanu nahay, laakiin haddii uu baaba’o masaajidkaasi Qiblataynku mustaqbalka la xasuusan maayo taariikhdiisa.”