X
    Categories: Warar

Dalladda Ugu Weyn Ururada Haweenka Somaliland Oo Ka Hadlay Xeerar Madaxweynuhu Soo Saaray

Ismahaan C/salaam Xasan Guddoomiyaha NAGAAD NETWORK

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)/-Dallada ugu weyn ururada Haweenka Somaliland ee NAGAAD, ayaa ka hadashay Dhaqan-galinta Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018 oo ka mid ahaa Afar Xeer oo Madaxweynaha Somaliland wareegto kuso saaray maanta.

War-saxaafadeedka Dalada ee NAGAAD, ayaa u dhignaa sidan:-

“Guud ahaan waxaa shacbiga Reer Soomaaliland farxad iyo guul u ah dhaqan galinta afrta xeer ee uu Madaxweynaha Soomaaliland dhaqan galiyey ee kala ah:- 1. Dhaqan-galka Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018. 2. Dhaqan-galka Xeerka Maareynta Deegaanka, Xeer Lr. 79/2018. 3. Dhaqan-galka Xeerka Shirkadaha Somaliland, Xeer Lr. 80/2018. 4. Dhaqan-galka Xeerka Waxbarashada Qaranka, Xeer Lr. 77/2018.

Sidaa darteed Dalada Haweenka ee NAGAAD way ku hambalyeynaysaa Madaxweynaha iyo Shacbiga Reer Soomaalland guushaas u soo hoyatay, waxa kale oo ay hambalyo u diraysaa golayaasha xeer dajinta ee inta badan ku hawlanaa Xeerarka Curintooda iyo ansixintooda. Dalada Haweenka ee NAGAAD waxaa si gaar ah u taabanaya oo ay ku Faraxsan tahay Dhaqan-galinta Xeerka Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, Xeer Lr. 78/2018 oo ay in badan ka soo shaqaynaysay dabadana ka riixaysay.

Waxay Dalada Haweenka ee NAGAAD si gaar ah Madaxweynaha ugu bogaadinaysaa go’aanka geesinimada leh ee u ku dhaqan-galiyey Xeerkaasi, sidoo kale waxa ay Daladu bogaadinaysaa Golayaasha Xeer-dajinta ee mudada ku hawlanaa ansixinta Xeerka.

Ugu Danbayntii waxa ay Dalada Haweenka Reer Soomaaliland u rajaynaysaa in Xeerkani xakamayndono arimaha Kufsiga iyo Xadgudubyada Jinsiga, sidoo kale waxaanu ku hawlanahay sidii aanu dabada uga riixilahayn wacyigalintiisa iyo dabogalkiisa oo loo gaadhsiin lahaa bulshada Reer Soomaaliland meelkasta oo ay joogto. Allaa Mahad Leh Ismahaan C/salaam Xasan Guddoomiyaha NAGAAD NETWORK

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post