X
    Categories: Warar

Dallada Rayidka Ah Ee Sonsaf Oo Baaq Ku Waajahan Colaada Ceel-Afweyn Soo Saartay

Guddoomiyaha Dalada SONSAF, Anwar Ibaarahim

Hargeysa(ANN)Dallada SONSAF, ee Bulshada ee Ururada aan dawliga ahayn ee rayidka ah, ayaa baaq kasoo saaray colaada soo noq-noqotay ee deegaamada Ceel-Afweyn eegobolka Sanaag.

Baaqa oo uu ku saxeexnaa, Guddoomiyaha SONSAF, Anwar Abdirahman Warsame oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu yidhi, sidan:-

“Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay walaac wayn ka muujinayaan colaadda soo noq-noqotay ee Degmada Ceel Afwayn ku dhex maraysa dadka walaalaha ah ee degaankaas ku wada nool. Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku baaqayaan in sida ugu dhakhsaha badan loo joojiyo cunfiga iyo dhiiga dadka walaalaha ah ee hawl yaraanta ku daadanaya.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland, waxa ay u soo jeedinayaan Xukuumadda iyo Golayaasha Qaranka in sida ugu dhakhsaha badan xal loogu raadiyo caqabadaha salka u ah hurinta colaadda Ceel Afwayn.

Bushada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay ku adkaynayaan Xukuumadda in ay Xoojiso fulinta sharciga, oo hub ka dhigis iyo dhaqan celinba u samayso dhalinyarada hubaysan ee labada dhinac, Isla mar ahaantaana talaabo adag ka qaaddo cidkasta oo si toos ah iyo si dadbanba ugu lug leh colaadda Ceel Afwayn.

Bulshada Rayida ah ee Somaliland waxa ay rumaysanyihiin si loo helo nabad gelyo waarta oo ka hirgasha deegaanadaas waa in Xukuumaddu xoojiso joogitaanka hay’adaha Dawliga ah ee Deeganadaas, isla mar ahaantaana kor loo qaado adeegyada aasaasiga ah ee loo fidinayo dadyawga ku nool guud ahaan Gobolka Sanaag, gaar ahaan Degmada Ceel Afwayn.

Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxa ay soo jeedinayaan in Xukuumadda Somaliland siyaasad cad oo dhaqan gasha ka yeelato lahaanshiyaha dhulka, kala xadaynta dhul daaqsimeedka iyo degsiimooyinka, korodhka magaalowga iyo khayraadka dabiiciga ah.

Bulsharada Rayidka ah ee Somaliland waxay ku boorinayaan Xukuumadda in ay ka hirgeliso deegaanadaas mashaariic horumarineed oo shaqo u abuuraya dhalinyarada Deegaankaas oo u baahan in loo abuuro yididiilo iyo Rajo nololeed oo ka joojisa in ay qayb ka noqdaan colaadda.

Ugu dambayn Bulshada Rayidka ah ee Somaliland waxay ugu baaqayaan dhamaan wax-garadka, Aqoonyahanka, Culimada, Madax dhaqameedka, Dhalinyarada iyo Haweenka deegaankaas in loo hawl galo nabadgalyo waarta oo ka hirgasha Degmada Ceel Afwayn.

                                    Anwar Abdirahman Warsame

                                      Guddoomiyaha SONSAF

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post