X
    Categories: Warar

Dalka Zimbabwe Oo Shacabkiisa Ka Mamnuucay inay Calankooda Samaystaan Amma iibiyaan

Araweelo News Network

Herari)ANN)Wasiirka Caddaaladda waddanka Simbaabwi (Zimbabwe) ee qaaradda Afrika, ayaa sheegay in qofkii lagu qabto calanka dalkaas isagoo goob xun jooga amma dariiqyada ku iibinaya uu mutaysan doono xabsi culus.
Dawladda Simbaabwi waxay muwaadiniinteeda iyo qof kasta oo ku sugan uga digtay inuu iibiyo amma dibada u soo saaro calanka dalka, haddii lagu qabtana uu ciqaab adag la kulmi doono, kadib markii calanka laga dhigtay astaan mudaharaadyada lagaga soo horjeesto Madaxweynaha gaboobay ee la yidhaa Mr. Robert Mugabe.
Kala iibsiga calanka Simbabwi ayaa noqday waxyaabaha ugu iibka badan, kadib markii koox ka soo horjeeday dhaqaalaha dalkaas ee hoos u dhacay ay baahiyeen muqaallo ay ku baaqayaan in calanka lagu mudaharaado.
Warbaahinta dawladda ayaa mudaharaadayaasha ku eedeeyey inay calanka ku adeegsadeen arrin siyaasadeed oo ay ku kiciyaan caaddiifada iyo dareenka dadweynha.
Waxa xukuumaddu soo saartay in ay sharci-darro tahay qofka sameeya, iibiya amma isticmaala calanka, isagoon ogolaansho ka soo qaadan Xoghayaha Caddaaladda ee dalkaas.
“Xubnaha shacabka ah ee ka qaybqaata tallaabo amma falal ku lug leh samaynta, iibinta iyo isticmaalida calanka waxa ay ka soo horjeeda sharciga, sidaa darteed waxa looga digayaa in ay masuul ka yihiin xukunka ku dhaca, xabsiga ku dhacana ay mutaysteen iyagu, haddii Maxkamaddu dambigaas ku hesho,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka la soo saaray.
Waxa xeerkan lagu sheegay in qofka falkan lagu qabto uu mutaysan doono xabsi hal sanno ah iyo ganaax lacag badan ah.
“Calankayagu waa muhiim, waxaanannu shacabka u dhiirigelinaynaa in ay ixtiraamaan, haddii lagu guul darraysto in calanka la ixtiraamo waxa ay sababaysaa in xabsi iyo ganaax $300 doollar ah lagu mutaysto. Waxa jira waxyaabo dhawr ah oo ay dadku sameeyaan si ay calanka qaranka u bahdilaan,” ayey tidhi Xoghayaha Caddaaladda ee dalka Simbabwi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post