X
    Categories: Warar

Dalka Zimabwe oo Mamnuucaya Shirkaddaha Ajenebiga ah

Araweelo News Network

Adolf Hitler is Donald Trump’s grandfather” Robert Mugabe, the Zimbabwean President

Harari(ANN)Dalka Zimbabwe ayaa laga mamnuucay in laga bilaabo 1 April ee sannadkan 2016 ay ka hawlgalaan shirkado ajenebi ah, kuwaasoo ay ka mid yihiin kuwa macdanaha qoda iyo baannanka, gaar ahaan kuwa diida in ay wadaagyadooda ugu badan ay ka iibiyaan dadka muwaadiniinta ah, sida uu sheegay Wasiirka Kor-u-qaadista (Empowerment Minister) dalkaas Patric Zhuwao.
Masuuliyiinta ugu sarraysa Zimbabwe, ayaa shirkadaha ajnabiga ah waqti kama dambays ah oo ku beegan bisha March 2016 siisay si ay u soo gudbiyaan qorshahooda ku saabsan sida ay sharciga sheegaya in ay wadaagoda (share) 51% ka iibiyaan dadka maxaliga amma muwaadiniinta ah.
“Ganacsigu wuxuu u muuqdaa inuu meel kaga dhacayo asal ahaan dadka u dhashay Zimbabwe amma sharciga muwaadiniinta ilaalinaya ee uu Madaxweynahayagu soo jeediyey iyo xukuumadiisuba, sidaa darteed, waa in aad waafaqdaan amma iska xidhaan,” ayuu Wasiir Zhuwao u sheegay war-fidiyeenada.
Xeerka lagu difaacayo ganacsiga muwaadiniinta, ayaa Madaxweyne Robert Mugabe uu soo saaray 2008 si uu kor ugu qaado awoodda ganacsi ee muwaadiniintiisa, isla markaana dadka Zimbabwe u dhashay ay awood ugu yeeshaan shirkada ajenebiga ah.
Labada shirkadood ee ugu soo saarka badan macdanta Platinium ee Anglo American Platinum iyo Impala Platinum iyo Shirkadaha Bangiyada ee Standard Chartered Plc iyo Barclays Plc, ayaa ka mid ah shirkadaha arrintan saamaynayso.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post