X
    Categories: Warar

Dalka Taiwan oo Dhambaal uu u soo diray Somaliland ku ballanqaaday iskaashi dhexmara.

 

Taipei(ANN)- Xukuumadda Taiwan ayaa dhambaal mahadnaq ah soo gaadhsiiyey xukuumada Somaliland, isla markaana sheegay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga.

Dhambaalka xukuumada Taiwan oo lagu soo socodsiiyey Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Cabdillahi Saylici ayaa lagu ballanqaaday inay si wada jir ah uga wada shaqeyaan wanaaga aadanaha labada wadan.

Fariin lagu baahiyey barta Twitter ee Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan shalay ayaa lagu yidhi, “Mahadsanid, Madaxweyne-xigeen hambalyadaada diiran eed u soo dirtay Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, Madaxweyne-xigeenka Md William Ching Telai ee caleema-saarka Taiwan.

Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa fariinta ay u soo dirtay Madaxweyne-xigeenka JSL Md Saylici ku sheegtay in labada wadan wadaagaan qiyamka dimuqraadiga, iyadoo tidhi,

“Taiwan iyo Somaliland waxay wadaagaan qiyam dimuqraadi ah, waxaan rajaynaynaa inaan ka wada shaqeyno wanaaga aadanaha.

Dhambaalka dalka Taiwan u soo diray Somaliland ayaa ka dambeeyey ka dib markii Madaxweyne-xigeenka JSL Md Cabdiraxmaan Saylici doraad dhambaal u diray, u dhignaa sidan,

“Annigoo ku hadlaya magaca Somaliland waxaan hambalo u dirayaa Madaxweynaha Taiwan Marwo Tsai Ingwen, bilaabida xil-gudashadaada labaad adiga iyo Madaxweyne-xigeenkaaga Md William Ching.

Madaxweyne-xigeen Md Saylici oo dhambaalkiisa ku diray bartiisa Twitter ayaa raaciyey,

“Waxaan kuu rajeynaaa guul kasta oo aad ka gaadho shaqadaada. Waxaan rajeynayaa inaan sii wado wada shaqeynta dhow, si aan u xoojino xidhiidhka labadeena wadan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post