X

Dalka Masar Oo ku Hawlan Qorshe Lagu Cashuurayo Muwaaddiniinta Isticmaala Baraha Bulshadda Ee Internet-ka

Araweelo News Network

Cario(ANN)-Baarlamaanka dalka Masar, ayaa soo jeediyey sharci cusub oo jidaynaya in cashuur laga qaado muwaaddiniinta isticmaala baraha bulshadu ka wada xidhiidho ee internet-ka (Social Media) amma doonaya in ay isticmaalaan, haddii cashuurta dadka ka soo xarootaa aad u yaraato.
Xildhibaan Rai Abdel Sattar oo ka mid ah mudanayaasha mooshinkan saxeexay, ayaa soo jeediyey in qof kasta oo baraha bulshada isticmaala, sida Facebook lagu soo rogo bishiiba inuu bixiyo lacag dhan 200 lacagta Masar ah.
Xildhibaanku waxa uu ku dooday in lacagtan dawladda Masar u fudaynayso in ay si dhaw ula socoto isticmaalayaasha Facebook ee hay’adaha qaranka ka liddiga ku ah. Mooshinkan ayaa miiska Baarlamaanka la hordhigi doonaa maalinta Arbacada toddobaadkan ee taariikhdu tahay 26 April 2017, haddii Ilaahay yidhaa.
Sida lagu baahiyey qaar ka mid ah saxaafadda Masar, qaybo badan oo dadweynaha dalkaas ah, ayaa cabasho ka muujiyey qorshaha la doonayo in lagu cashuuro dadka isticmaala baraha xidhiidhka bulshada ee Internet-ka, halka sidoo kale hay’adaha u dooda xuquuqal-insaanku ku eedeeyaan sharci-fulinta xukuumadda Qaahira inay sameeyaan waxyaabo xadgudub ku ah xorriyatul-qawlka bulshada.
Dhinaca kale, Mr. Nadeer Nourddine oo ka mid ah xildhibaannada arrintan ka soo horjeeda, ayaa sheegay in shirkadda Facebook ay dadka dadka adduunka oo dhan u saamaxdo in ay si fudud u wada xidhiidhi karaan, cid la cashuuraana aanay jirin.
Ku dhawaad 30 milyan oo shacabka Masar ah, ayaa internetka isticmaala, kuwaas oo badankoodu ku wada xidhiidha baraha bulshada, iyadoo ay saamayn ku yeelan doonto cashuurtan la doonayo in lagu soo rogo.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post