X
    Categories: Warar

“Dalka Kuwait Maalmo Yar Gudahood Waxa Uu Inoo soo Diri-doonaa Cunno, Daawooyin iyo Ceelal Biyood dalka Laga Qodidoono.” Wasiirka Madaxtooyadda JSL

Araweelo News Network

Kuwat City (ANN) Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa shaaciyey in maalmo yar gudahood ay dawaladda Kuwait Somaliland soo gaadhsiin doono deeqo ku aadan Abaaraha dalka ku jira, oo isugu jira Cuno, dawooyin iyo ceelal biyoodyo la qodi doono.
Wasiirka oo hogaaminayey wefti ballaadhan oo ka socda Xukuumadda Somaliland oo safar hawleed ku jooga dalka Kuwait ayaa sharaxay najiitada kulamo ay la yeesheen Madaxda hay’ada bishada cas ee dalkaasi iyo hay’ado kale oo samafal.


Mudane Maxamuud Xaashi ayaa waxa kale oo uu sheegay inay safarada Madaxda Xukuumaddu ay aad uga duwan yihiin kuwa ay baxaan siyaasiyiinta qaar oo u muuqda inay yihiin tamashle, waxaanu sheegay inay iyagu u maqan yihiin dadweynah Somaliland ee abaaruhu saameeyeen.
Wasiirka Madaxyooyada ayaa arrimahaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook waxaanu yidhi ““ Weftigayagii ka socday Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu maanta la kulanay masuuliyiinta u saraysa hay’ada bisha cas ee wadanka Kuwait (KRCS), madaxdaas oo uu hogaaminayey madaxweynaha hay’adaasi Dr. Hilal Al-Sayer, waxaanu kala hadalnay sidii ay gargaar bani-aadamnimo ugu gaysan lahaayeen dadka ay abaaruhu tabaaleeyeen, waxa kale oo aanu iyagana maanta la kulanay Jimciyatul raxma oo ah hay’ad samafal oo madax banaan oo ah hay’adda gacanta ku haysa xarunta agoomaha ee Hargeysa Somaliland.”

Maxamuud Xaashi ayaa sidoo kalena ka hadlay goorta ay dawladda Kuwait si rasmi ah Somaliland u soo gaadhsiin doono taakulada gurmadka abaaraha waxaanu yidhi “ Dhamaantoodba hay’adahaa kala duwan warbixino ayaanu siinaynay, waxaanu uga xog waranay xaalada dhabta ah ee ka jirta Somaliland wakhtigan, dhamaantood-na waxa ay noo balan qaadeen inay kaalmo degdeg ah ka gaysan doonaan, kana qayb qaadan doonaan hawl galadaa dadka lagu samata bixinayo. Wakhti aad u yar gudaheed ayaa dalka Kuwait deeqo degdeg ahi inooga imanayaan, hada waxa lagu mashquulsan yahay sidii deeqahaas layskugu dubo ridi lahaa iyo qaabkii loo soo qaadi lahaa. Maalmo yar gudahood waxa ay inoo soo diri doonaan cuno, daawooyin iyo ceelal biyood oo dalka laga qodo.”

Mudane Xaashi ayaa duray Safarada siyaasiyiinta mucaaridka ah waxaanu yidhi “ Ujeedooyinka socdaaladayadu salka kuma hayaan tamashleyn iyo hudheelo layska dago, sida ay sameeyeen dadka qaarkood ee aynu ka arkaynay, anaggu xukuumad ahaan anagga oo ka damqanayna xaalada abaaraha ee dadkayaga haysa waxaa safarada u gaalaa bixinaynaa in aanu deeqo iyo gargaar u doono, arrimhaas ayaanu ku hawshaysan nahay waxay noqon doonaan Insha Allah kuwa muuqda oo biyo dhiga oo la arko.”

Wasiir Maxamuud ayaa sidoo kalena ka hadlay kulan ay shalay la yeesheen madax hay’ada Sekeda ee Kuwait waxaanu yidhi “ Weftigii aan hoggaaminayey oo wefti ballaadhan ah, waxay shalay xafiiskiisa kula kulmeen Dr Ibrahim Ahmed Abdullah Alsaleh oo ah maareeyaha guud hay’ada madaxa banaan ee Baytul Sakaat ee dalka Kuwait. Waxaannu kala hadalnay xaalada abaareed ee dalka ka jirta, waxaanu siinay warbixin qoraal ah oo dheer, Isaga iyo madaxda kale ee hay’adaasi aadbay arrintaa u fahmeen, waxay garwaaqsadeen duruuftaa ina haysta, waxanay noo wada muujiyeen inay diyaar u yihiin in ay arrimahaa gurmadka inalaga qayb qaataan, faahfaahin dheeraad ah ayaanu gadaal ka bixin doonnaa kaalmada ay dawaladda Kuwait iyo hay’ada baytul Sakaat ka gaysan doonaan arrimahaa.”

Weftiga Xukuumadda Somaliland ee Kuwait ku sugan ayaa daraad la kulmay boqorka dalka kuwait Sheekh Sabax Al-Ahmad Al-Jaber. Wasiika Madaxtooyada waxa safarkaasi ku wehelinaya Wasiirka Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahim Qabo, Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosiye, Madaxa Ha’yada diiwaanka Sekada Sheekh Saciid Jire Iyo Mudane Sakariye Daahir Xuseen oo ka tirsan gudida Qaranka ee taakulada abaaraha. Wa-bilaahi Tawfiiq

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post