X
    Categories: Warar

Dalka Eretria Oo Somaliland Usoo Diray Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Iyo Ujeedda Booqashadooda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Cismaan Saalax Maxamed, 19 March, 2019. Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Hargeysa(ANN)- Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa maanta soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Ka bilaw midig Wasiirka Maaliyadda Somaliland, Sacad Cali Shire, dhexda Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Cismaan Saalax Maxamed, wasiirrada arrimaha dibadda Somaliland, Yaasiin Faratoon, Madaarka caalamiga ah ee Egal International Airport, 18 March 2019.

Wefdiga , waxa Madaarka caalamiga ah ee Hargeisa, (Egal International Airport), kusoo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirrada arrimaha dibadda iyo horumarinta maaliyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Fara-toon) iyo Sacad Cali Shire.

Wefdiga Eretria oo kasoo degey Madaarka Hargeisa Egal International Airport, 18 March 2019.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah la qaatay weftiga ka socda dalka Eriteriya oo loo soo gelbiyay dhinaca qasriga  Madaxtooyadda, waxayna  wasiirka arrimaha dibadda dalka Eriteriya, Mudane Cismaan Saalax Maxamed iyo xubnaha la socday kulan albaabada loo xidhay oo saxaafadu aannay goob ka ahayn la yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

markii kulankaasi dhammaaday, waxa  warbaahinta la hadlay, Wasiiradda arrimaha dibadda ee dalalka Somaliland iyo Eretria, iyagoo ka warramay ujeeddada weftiga ka socda dalka Eritrea u yimaadeen Somaliland iyo waxyaabihii ay madaxweynaha iyo weftigu ka wada hadleen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo qasriga Madaxtooyadda ku qaabilay wefdiga Dalka Ereteria 19 March 2019.

Wasiirka arrimaha dibadda dalka Eretria, Mudane Cismaan Saalax Maxamed, ayaa sheegay in la gaadhay xilligii qiimayn lagu samayn lahaa xaaladda dalka Somaliland, islamarkaana  ay madaxweynahoodii ku celin doonaan  xaaladda dhabta ah ee ka jirta Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Arrimaha Dibbada Dalka Ereteria 19 March 2019.

“Weftigayaga ka socda dalka Eritria waxa nasoo diray madaxweynahayaga Mudane Isaias Afwerki,  si aannu wax badan uga oggaanno xaaladda Somaliland. Imika waxa la gaadhay waqtigii aannu Somaliland iman lahayn ee aannu xaaladda qiimayn lahayn, madaxweynahana waannu la kulannay oo warbixin xiiso leh buu na siiyey, waxana uu noo sharraxay xaaladaha siyaasadeed, bulsheed iyo kuwa dhaqaale ee dalka, imikana waxannu noqonaynaa annaga oo madaxweynahayagii u sidna xaaladda ka jirta Somaliland, tanina ma noqon doonto booqashadii ugu dambaysaye waxa ay noqon doontaa mid furanta, waxaannu  rajaynaynaa innaanu Somaliland marar badan kusoo laaban doonno.”ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Eretria oo warbaahinta kula hadlay qasriga Madaxtooyadda.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa dhankiisa xusay in Madaxweynaha iyo weftiga ay kulankooda diiradda ku saareen sidii ay dalalka geesku isu kaashan lahaayeen, islamarkaana loo wadaagi lahaa afkaarta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Weftigu waxa ay u yimaaddeen inay is-kaashiga iyo xidhiidhka dalalka geeska Afrika, gaar ahaan labada dal ee Somaliland iyo Eriteriya ay ka shaqeeyaan oo ay xoojiyaan iyo sidii arrimahaas looga wada hadli lahaa ee ra’yi  iyo afkaar la iskaga dhaafsan lahaa, si wanaagsanna waannu u wada hadalnay.”

Weftiga ka socda dalka Eritrea ee soo gaadhay Somaliland, ayaa noqonaya kuwii labaad ee Somaliland soo booqday tan markii ay dib ula soo noqotay xoriyadeeda 18 May 1991.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post