X
    Categories: Warar

Dalalka Iran Iyo Turhkiga Oo Kala Saxeexday Heshiis Iskaashi Dhanka Diinta Ah

This photo provided by Iran’s Islamic Culture and Communication Organization’s website shows the head of the organization Abouzar Ebrahimi Torkaman (L), and Ali Erbaş, the head of Diyanet or Religious Affairs Directorate, singing a religious cooperation agreement in the Turkish capital Ankara on December 26, 2019.

Hoggaamiyayaasha Iran Iyo Turkiga Ayaa Horre Ugu Baaqay Shirkii Malaysia In Dalalku Islaamu Joojiyaan Ku Tiirsanaanta Lacagta Mataykanka Ee Dollarka

Ankara (ANN) -Dalalka Iran iyo Turkiga oo ka mid ah dalalka tirada yar ee sida weyn uga dhex muuqda loolanka siyaasada, dhaqaalaha iyo millateriga ee dunida, ayaa shalay kala saxeexday heshiis iskaashi oo looga gol leeyahay in lagu kordhiyo cilaaqaadka dhinaca diinta, sidaana waxaa sheegay Maalintii Jimcaha ee shalay Telefishanka Press TV, ee laga leeyahay dalka Iran.


Heshiiskaa oo munaasibada lagu kala saxeexday lagu qabtay caasimada Turkiga ee Ankara, waxa dhinacyada labada u kala saxeexay Abouzar Ebrahimi Torkaman, oo ah madaxa Ururka Dhaqanka Islaamka iyo xidhiidhka Isgaarsiinta ee Iran, iyo Ali Erbas, oo ah madaxa sare ee Diinta ee Turkiga, isla markaana ah Agaasinka Arrimaha Diinta.


Qodobada Heshiiska ayaa lagu sheegay inay ka kooban yihiin 18 qodob oo ah turjumida iyo daabacaadda buugaagta diineed oo loo qabanayo munaasabado kala duwan, iyo “badhista shareecada islaamka oo ay qayb ka yihiin khubaro ku xeel dheer cilmiga fiqiga ee Turkiga”, taas oo tixraac u noqon karta iskuulka Taariikhiga ah ee dhinaca sharciga iyo sharciyeynta ee cilmiga xuruufta ee Jacfari oo lagu sharaxay dastuurka Iran.


“Isbedelka iyo duruufaha ka jira adduunka maanta waxay ka tarjumayaan isku xidhnaansho aad u weyn oo u dhexeeya Turkiga iyo Iran,” ayuu yidhi, Cali Erbas, isagoo intaa raaciyay in dhaqankooda wanaagsan ee ku waajahan qadiyada Falastiin uu yahay mid ay wadaagaan oo midaynaya Turkiga iyo Iran.

Cali Erbas, wuxuu yidhi, “Waxaan abaabulaynaa dhammaan agabkeenna si aan ula dagaallano kacdoonka lagu bar-tilmaameedsanayo dadka muslimiinta ah, iyo tillaabooyinka ay qaadaan qaar ka mid ah waddammada muslimiinta ee gobolka, kuwaas oo nasiibdarro ku ah sumcadda islaamka iyo karaamada muslimiinta.”


Kulanka heshiiska Iran iyo Turkiga, ayaa sidoo kale lagaga hadlay Midnimada adduunka guud ahaan Muslimka iyo hanjabaadaha iyo caqabadaha Islaamiyiinta ayaa sidoo kale laga wada hadlay, waxayna laba dhinaca sidoo kale diirada saareen sidii laysu weydaarsan lahaa, ama laysu dhaafsan lahaa buugaagta ku keydsan maktabadaha dalalka Iran iyo Turkiga.


Iiraan iyo Turkiga ayaa goobjoog ka ahaa Shirweynihii ugu dambeeyay ee Malaysia December 19, 2019, waxayna labada dowladood hogaamiyeyaasha dalalka Muslimka ee qaybgalay shirkaa ka codsadeen in hoos loo dhigo ku tiirsanaanta lacagta doolarka Mareykanka iyo nidaamka maaliyadeed oo ay sheegeen inuu yahay waxyeelada Islaamka, waxayna ku nuuxnuuxsadeen midnimada ka dhexeysa dowladaha muslimiinta intooda badan iyo sidii loo heli lahaa iskaashi dawladdaha Islaamku yeeshaan oo wax ka bedela wacyiga iyo waayaha maanta haysta dunida islaamka si loo soo celiyo karaamadii iyo sharaftii Islaamku aduunka ku lahaa.

READ: Iran, Turkey sign religious cooperation agreement | Araweelo News Network

Dalalka Iran iyo Turkiga oo ka mid ah dalalka tirada yar ee sida weyn uga dhex muuqda loolanka siyaasada, dhaqaalaha iyo millateriga ee aduunka, waxay labaduba isku mawqif ka yihiin sidii Islaamka loo midayn lahaa, waxayna meel iska dhigeen fekredaha lagu kala qaybiyay islaamka ee dhanka Madaahibta sida Shiica iyo Sunni, kuwaas oo ay u arkaan inay wataan dalalka ay hormoodka u yiihn Maraykanka iyo Israaiil oo adeegsanaya dawlado Muslin ah oo doonaya in Islaamka la duleeyo, kuwaas oo fulinaya siyaasada dalalka reer galbeedku ku kala qaybinayaan Islaamka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post