X
    Categories: Warar

“Dalalka Deriska ah Waxay Khatar ku Yihiin Rajada Soomaaliya, Kadib Doorashadii Farmaajo’Kooxda Xasaradaha Adduunka ee ICG

Araweelo News Network

London (ANN)- Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka ICG (International Crisis Group), ayaa ku eedeeyey dalalka Geeska Afrika inay khatar ku yihiin rajada caalamku ka qabo nabadgelyo iyo horumar ka islaaxa waddanka colaaduhu naafeeyeen ee Soomaaliya.
Warbixin ICG soo saartay toddobaadkan oo ay cinwaan uga dhigtay “Khatarta dalalka gobolka ku keeni karaan rajada bulshada Soomaalida,” waxay walaac kaga muujisay halis Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Mr. Maxamed Cabdillaahi Farmaajo kaga iman karta waddamada deriska la ah oo ay sheegtay inay shaki weyn ka qabaan.
“Dalalka deriska ah waxay khatar ku yihiin rajada Soomaaliya, kadib doorashadii Farmaajo,” ayaa lagu xusay warbixinta kooxda ICG.
Waxa kaloo Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka warbixintooda ku sheegeen in doorashada Madaxweyne Farmaajo fursad siinayso dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, “Taas oo ay nabad iyo xasillooni ugu soo celin karaan Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika, balse weli waxa jira shaki laga qabo in Soomaaliya nabadgelyo buuxda ka hirgasho, maadaama kalsooni-darro weyn ka jirto dhanka dalalka awoodda leh ee mandaqadda.”
“Dad badan ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya kalsoonida iyo taageerada Farmaajo haysto in ay suurogelin karto dib-u-heshiis qaran iyo weliba inuu xalliyo boogaha qotoda dheer ee laga dhaxlay dagaalladii sokeeye ee dalka ka qarxay wixii ka dambeeyey sannadkii 1991-kii,” ayaa lagu yidhi warbixinta ICG.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post