X

Dahabshiil Oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Caalamiga Ah Ee Bangiga Ugu Wanaagsan

#Araweelo_News_Network.
Addis Ababa (ANN)-Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bangiga ugu wanagsan adeegyadda Technology-yadda Casriga ah โ€œBest Bank of IT Integration and Innovative Products,โ€ abaalamrinta oo ay bixiso Xarunta Al Huda ee Bangiyadda Islaamka iyo Dhaqaallaha (Al Huda, Centre of Islamic Banking and Economics), oo fadhigeeduna yahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024.

Munaasibadda Abaalmarintan oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda daka Ethiopia, waxaana ka qayb galay maamulaha Bangiga Dahabshil Omer Sheikh.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Guushan ayaa Shirkaddaha Dahabshiil Groupย  usoo jiiday sumcad weyn oo ay horeba u kasbadeen, waxayna uga dhigantahay Abaalmarinta Bangiga Dahabshiil sida ay uga goโ€™an yahay in ay si hufan ugu adeegaan maacaamiishooda, isla markaana si joogta ah u casriyeeyaan adeegyadda Bangiga Dahabshiil iyo guud ahaanba Shirkaddaha kale ee Dahabshiil Group.

nternational Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Abaalmarinta Caalamiga ah ayaa noqonay tii Sadexaad ee Bangiga Dahabshil muddo hal sano gudaheed ah ku guuleysto, wallow ay shirkadda Dahabshiil Group hore ugu guulaysatay Abaalmarino Caalami ah oo ay tartan kula gashay shirkaddo waaweyn oo dhigeeda ah, kuwaaas oo qaarkood jireen in ka baddan hal qarni, balse Shirkadda Dahabshiil ayaa kaga guulaystay Abaalmarinaha Caalamiga ah oo ay ku tartameen boqolaal shirkood oo laga leeyahay Yurub, Maraykan iyo Aasiya.

Dahabshiil Bank international Award 2023.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Dahabshiil Group oo in ka baddan 50 sanandood ka shaqaynaya gudbinta lacagaha Xawaaladda ayaa si weyn sumcad ku heshay addeegyada ay qabato, iyadoo geyiga Soomaalida iyo ilaa 150 dal oo aduunka ah oo ay ka hawlgasho ku yeelatay xafiisyo, taas oo ka dhigtay shirkadda ugu caansan ee Soomaaliyeed, waxayna abaalmarinaha caalamiga ah ee ay ku guulaysataa noqdeen kuwo xataa sumad usoo jiida Bulshada Soomaalida.
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post