#Araweelo_News_Network.
Addis Ababa (ANN)-Bangiga Caalamiga ah ee Dahabshiil ayaa ku guuleystay abaalmarinta Bangiga ugu wanagsan adeegyadda Technology-yadda Casriga ah “Best Bank of IT Integration and Innovative Products,” abaalamrinta oo ay bixiso Xarunta Al Huda ee Bangiyadda Islaamka iyo Dhaqaallaha (Al Huda, Centre of Islamic Banking and Economics), oo fadhigeeduna yahay magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024.

Munaasibadda Abaalmarintan oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda daka Ethiopia, waxaana ka qayb galay maamulaha Bangiga Dahabshil Omer Sheikh.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Guushan ayaa Shirkaddaha Dahabshiil Group  usoo jiiday sumcad weyn oo ay horeba u kasbadeen, waxayna uga dhigantahay Abaalmarinta Bangiga Dahabshiil sida ay uga go’an yahay in ay si hufan ugu adeegaan maacaamiishooda, isla markaana si joogta ah u casriyeeyaan adeegyadda Bangiga Dahabshiil iyo guud ahaanba Shirkaddaha kale ee Dahabshiil Group.

nternational Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Abaalmarinta Caalamiga ah ayaa noqonay tii Sadexaad ee Bangiga Dahabshil muddo hal sano gudaheed ah ku guuleysto, wallow ay shirkadda Dahabshiil Group hore ugu guulaysatay Abaalmarino Caalami ah oo ay tartan kula gashay shirkaddo waaweyn oo dhigeeda ah, kuwaaas oo qaarkood jireen in ka baddan hal qarni, balse Shirkadda Dahabshiil ayaa kaga guulaystay Abaalmarinaha Caalamiga ah oo ay ku tartameen boqolaal shirkood oo laga leeyahay Yurub, Maraykan iyo Aasiya.

Dahabshiil Bank international Award 2023.

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

International Interest -free Banking and takaful Awards Dahabshiil Bank Addis Ababa August 21 2024

Dahabshiil Group oo in ka baddan 50 sanandood ka shaqaynaya gudbinta lacagaha Xawaaladda ayaa si weyn sumcad ku heshay addeegyada ay qabato, iyadoo geyiga Soomaalida iyo ilaa 150 dal oo aduunka ah oo ay ka hawlgasho ku yeelatay xafiisyo, taas oo ka dhigtay shirkadda ugu caansan ee Soomaaliyeed, waxayna abaalmarinaha caalamiga ah ee ay ku guulaysataa noqdeen kuwo xataa sumad usoo jiida Bulshada Soomaalida.