X
    Categories: Warar

Dahabshiil Oo Fariin U Dirtay Macaamiisheeda Xaaladda Covid-19

Fariin ku Socota Macaamiisha Dahabshiil ee xaaladda Covid-19

Hargeysa(ANN)-shirkadda Dahabshil Grup, ayaa fariin muhiim ah u dirtay Macaamiisheeda dacalada aduunka, taas oo la xidhidha xaaladda cudurka Cotonavirus ee dunida Kala xidhay.

Fariinta ayaa u dhignayd sidan:-

Waxaanu la dareennahay Macaamifisha Dahabshiil ee Daafahadunidda ku nool, iyo werwer-ka ay ka qabaan xanuunka (Covid-19) oo aad ugu fidaya aduunyadda oo dhan iyo sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda u gaadhsiin lahaayeen Lacagihii ay u diri jireen.

Sidaa daraadeed, waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka Talkremit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina.

Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.

Shirkaddu waxay ku dadaalaysaa inay laban-laabto dedaalkeeda adeeg-bixineed Wakhtigan adag ee lagu jiro, si aanu u xaqiijino in dhammaan macaamiishayadu ay degdeg u helaan lacagaha ay u soo dirayaan eheladooda iyo asxaabtoodu.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay macaamiisheedda ku waaninaysaa inay ku dadaalaan ilaalinta nadaafadooda iyo inay raacaan dhamaan talooyinka iyo talaabooyinka caafimaad ee lagaga horta tagayo xanuunkan (Covid-19).

Waxaad kala socon kartaan si joogta ah wixii kasoo kordha xaallada Xanuunka iyo adeegyadda Dahabshiil Degelkayaga (https://www.dahabshiil.com). Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa inuu ina hareer mariyo masiibadan caafimaad (Aamiin).

Wa billaahi Tawfiiq

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post