X
    Categories: Warar

Dahabshiil Group Oo Guddiga Covid-19 Ku Wareejiyay $800,000 oo Uu Ku Jiro Mishiinka Sheybaadhka

Dahabshiil Group oo deeq isugu jirta Mishiinada Sheybaadhka, kuwa dhaliya Oxygen-ta iyo lacag ku wareejisay Guddida la tacaalista COVID-19, May 17 2020, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddiga Heer Qaran ee Xakamaynta iyo la tacaalista Xannuunka Covid-19 ee Somaliland, ayaa deeq gaadhaysa $800,000, kala wareegay Shirkadda Dahabshiil Group.

Deeqda ay maamulka Dahabshil Grup, maanta ku wareejiyeen guddida, waxa lagu wareejiyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Saylici, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen munaasibada lagu wareejiyay deeqda xubnaha guddida COVID-19.

Maareeye ku xigeenka Dahabshil Grup, Cabdiraxmaan Cali Cabdi oo oo deeqda ku wareejiyay Guddida, ayaa sheegay in talo-gashay $ 600, 000, oo noqonaya qalab muhiim ah oo ay ku jiraan Mishiinka Sheybaadhka oo wata qalabkiisa, mishiinada sameeya Oxygen machine, iyo kuwa kasoo saara naqaska iyo kuwa wax lagu baadho.

Sidoo kele, wuxuu sheegay in ay $ 200, 000, oo sida uu sheegay Cabdiramaan loogu talagalay in dadka danyarta ah la siiyo, deeqdaa oo sida uu kaga qayb-qaadato taakuleynta iyo gurmadka caabuqa Coronavirus.

Deeqda ay shirkaddu ku wareejisay guddiga, ayaa isugu jira Agabka caafimaadka ee lagula tacaalo cudurka Covid-19 oo qiimahiisu dhan yahay $600,000 iyo lacag kaash ah oo dhan $200,000 oo ay shirkaddu ugu talo-gashay taakuleynta ugu yaraan 4,000 qoys.

Maareeye ku xigeenka Dahabshil Grup, Cabdiraxmaan Cali Cabdi, wuxuu sheegay in aannay ahayn markii u horreysay ee deeq ay shirkadda Dahabshiil Group bixiso, isla markaana ay mar walaba caan ku tahay shirkadda Dahabshiil Group, wuxuuna xusay in aannay noqonayn tii ugu danbaysay deeqdan.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Somaliland Cumar Cali Cabdullaahi Badde oo xubin ka ah guddiga heer qaran ee ka hor-tagga iyo xakamaynta xannuunka Covid-19 oo ka hadlay deeqda ay shirkadda Dahabshil Grup, ku wareejisay, ayaa sheegay in ay ku jiraan qalab muhiim ah oo lagama maarmaan u ahaa in hawshaa Coronavirus wax lagaga qabto.

“Waxay shirkaddu nagu wareejisay deeq muhiim ah, oo ay ku jiraan Mishiinkii baadhitaanka Coronavirus ee P-T PCR, (Real-Time Polymerase Chain Reaction) oo qalabkiiisa wata, wuxuuna naga kaabi doonnaa in aan si dhakhso ah u ogaano inuu qofku qabo COVID-19.” ayuu yidhi, Dr. Badde.

Waxa kale oo uu sheegay in qalabka ay shrikadda Dahabshiil ku caawisay ay ku jiraan laba mishiinada dhaliya Oxygen machine, kuwaas oo sida uu sheegay ay wax weyn ka tarayaan dareelka caafimaadka, isla markaana marka laga yimaado xannuunka Coronavirus ee xilligan ay mar walaba yihiin mishiino loo baahanyahay. sababtoo ah ayuu yidhi, qaliin walba oo la samaynayo waxa loo baahanyahay Oxygen.

Sidoo kale, waxa deeqda ay wareejisay shirkadda Dahabshiil Group, ka hadlay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil oo ku amaanay shirkadda Dahabshiil dedaalka iyo deeqda ay u hurtay dadkeeda.

Halkan ka Daawo

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post